Agaasimaha Cusub Hay’ada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Soomaaliya Oo Loo Magacaabay Sanbaloolshe Iyo Is-casilaada Agaasimihii Hore Mahad Salaad.

Agaasimaha Cusub hay'ada NISA Sanbaloolshe iyo Mahad Salaad

Mudisho(Hayaannews); Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah ku an-sixiyay soo jeedinta Wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA inuu noqdo Cabdillaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).kadib markii uu Agaasimihii hore ee uu xilkaasi iska casilay.

“Agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Md. Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka” ayaa lagu yidhi qoraalka soo baxay kulanka Golaha Wasiiradda.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya sidoo kale uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu Qaranka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

Agaasimahii hore ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa xilkaan soo hayay tan iyo 26-kii May 2022-kii,kadib dib-u-doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xiliga xilkaan loo magacaabayay ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa ugu hambalyeeyay Agaasimaha cusub ee bedelaya Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo xilkaan culus markii sadaxaad loo igmaday.

Agaasimaha Cusub hay’ada NISA Sanbaloolshe iyo Mahad Salaad

Agaasimaha cusub ee loo magacaabay hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa hore muddo laba jeer ah u soo qabtay xilka Agaasimaha NISA iyo xilal kale oo ay ka mid ahayeen Wasiir iyo Danjire, isagoo imika ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Shacabka.