“Annigu Diinta islaamka Ayaan Ku Abtirsadaa…Waxaa La Sheegayaa Ma Aha Wax Ina Aadan Ka Suurtooba…”, Edna Aadan ismaaciil.

London(Hayaannews): Marwo Edna Aadan ismaaciil ayaa iskaga fogeysay qori faraaro leh in ay beri ka tahay oo aanu ka soo yeedhin afkeeda hadal gef ku ah Diinta islaamka .maadama ay tahay qof ku abtirsata diinta ismaamka.

Marwo Edna Aadan oo dabo-joogta war 48-kii saacadood ee u dambeeyey qabsadey baraha bulshada ayaa Wareysi ay siisay Telefiishanka MMTV galabta jawaab kooban ka bixisay hadalka laga faafiyey iney ku hadashey hadal gef ku ah Diinta islmaamka,kaas oo ku tilmaantey inuu  yahay dacaayad been abuur ah iyada oo xustey in la bedelay hadal ay ku sheegtey in Diimaha oo dhami ka siman yihiin dhibaatada gudniinka fircooniga ah.

“ Aniggu Diinta Islaamka ayaan ku abtirsadaa intaas oo jeer ayaan xajka tagey , intaas oo jeer ayaan Cumrada tagay.Qoraalkaas la wareejinaayo in aaney Edna Aadan odhaneen oo afkeeda aheyn qof weliba wuu garanayaa.Waxa la bedelay hadalkaygii ahaa  Diimaha oo dhan ayaa ka soo hor jeeda gudniinka fircooniga ah ….” Ayey tidhi Edna Aadan Ismaaciil

Dr’s  Edna Aadan Ismaaciil oo jawaab kooban bixisay ayaa tidhi “Wixii qadhmuuna sankaa laga xidhaa,wixii qaldana dhegahaa laga xidhaa,wixii qaloocana afkaa laga xidhaa,anigu Marwo ayaan ahay soo xajtay intaas oo jeer soo cimraysatay, waxaa la sheegayaana maaha wax ina Aadan ka suurtooba”.

Isaga oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “Jawaabtaydu waxay ahayd, Diimaha oo dhami way ka simanyihiin dhibaatada gudniinka xaraanta ah ee Fircooniga ah”

 

 

Edna Aadan Ismaaciil-HayaanNews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com