Baasaboorka Somaliland Oo Lagu Tagi Karo USA iyo Yurub

Hargaysa (Hayaannews) Dal kastaa waxa uu leeyahay Baasaboor u gaar ah oo uu kaga duwan yahay dunida inteeda kale, kaasi oo uu kula macaamilo wadamada ay danaha gaarka ahi ka dhexeeyaan.

Somaliland waxa ay leedahay Baasaboor u gaar ah kaasi oo ka soo gudbay marxalado kala duwan, isla markaasina soo maray wakhti uu ahaa waraaq kaliya, balse hadda la jaanqaadaya dunida inteeda kale, Baasaboorka Somaliland hadda waa mid Electronic ah, Qaarada Afrika kaliya waxa isticmaala dhwr dal oo ay Somaliland ku jirto.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane ayaa sheegay in Basaboorka cusub ee Somaliland lagu sameeyay xukuumadda aramkeeda, maxaa yeelay Baasaboorkii hore bulshadu dhibaato ayay ku qabtay oo akhriskiisa ayaa adkaa ayuu yidhi Taliye Xiirane.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka ayaa sheegay inay ku dhiiradeen inay sameeyaan Baasaboorka cusub kaasi oo uu sheegay in Madaxwaynaha iyo xukuumaduna ay ku garab joogsatay, waxaanu sheegay in uu Baasaboorkani yahay mid caalami ah oo mishiinada Madaaradda yaalaa ay akhriyi karaan dhamaan xogta muwaadinka sita markaasi.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Socdaalka ayaa dhankiisa sheegay in Baasaboorka cusub ee Somaliland uu yahay noocii ugu danbeeyay ee ay dunidu isticmaasho, waxaanu xusay inay wadama reer Yurub ay isticmaalaan, sidoo kale waxa uu sheegay in dalal kooban ay ka isticmaalaan Qaaradda Afrika oo laba wadan ama hal wadan ay isticmaalaan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Socdaalka ayaa sheegay in wadamo badan lagu tago Baasaboorka cusub ee Somaliland kuwaasi oo ay ka mid yihiin dalalka Maraykanka, Yurub, Kiiniya, Itoobiya, Yugaandha, Tansaaniya iyo dalal badan uu dinada ah , waxaanu sheegay Taliyuhu in uu ka amni badan yahay Baasabooro badan ooh adda jira.

Sidoo kale Taliska guud ee Ciidanka Socdaalka ayaa soo bandhigay dhammaan Haldoorkii reer Somaliland ee ay u fududeeyeen samaynta Baasaboorka casriga ah iyo wadamadii ay ku tageen oo ay k amid ahaayeen dad miisaan ku leh Somaliland kuwaasi oo Baasaboorka cusub ee Somaliland ku tagay dalal badan oo ka mid ah dunida sida Maraykanka, South Afrika, Ingiriiska, Biljimka, Yurkiga, Noorway iyo dalal kale oo ka mid ah Afrika iyo Yuruba.

Baasaboorka cusub ee Somaliland ayaa ah mid macluulaadkiisa lagu kaydiyay qaab electronic ah, una sahlaya muwaadiniinta ku safraya in xogtooda aan lagu dhibtoon, bad-qabkiisuna uu aad u sareeyo ama ilaashan yahay.