Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga Oo Heshiis Shidaal Kala Saxeexday

Ankara (Hayaannews):- Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa Khamiistii kala Saxeexday Heshiis Shidaal baadhis iyo qodis ah, kaasoo sii xoojinaya xidhiidka labada dal oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay iskaashi dhanka tamarta oo u dhexeeya labada wadan. xilli Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Mohamed uu ku sugnaa dalka Turkiga uuna la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

War qoraal oo kooban oo kasoo baxay wadahadalkaas oo bartiisa X ku baahiyay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiicga ee dalka Turkigu ayuu ku sheegay intuu socday kulan in looga wada hadlay tallaabooyinka lagu horumarin karo iskaashiga labo-geesoodka ah.

Labada dhinacba mayna si rasmi ah u shaacin in heshiis rasmi ah kulanka lagu gaadhay, balse warbaahinta qaar ayaa daabacay in labada wasaaradood ay heshiis kala saxiixdeen.

Wadahadalkaan ayaa imanaya kadib markii Dowladda Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale ah, kaas oo Dowladda Turkigu illaalin doonto xeebaha badda Soomaaliya.

Ciidamada Badda ee Turkiga ayaa horey uga howl galaayay biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadan iyaga oo ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay ee la dagaalayay budhcad badeedda illaa iyo sanadkii 2009 kii.

Saddexdii bisha June 2016, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala sixiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dhan u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha July 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.

Bilowgii sanadkii 2020, Madaxweynaha Turkiga Mar uu ka hadlayay heshiiska xadeynta badda ee Libya iyo maraakiibta sahminta ee Turkiga ee bariga Mediterranean-ka, waxa uu sidoo kale markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga si ay shidaal uga baarto baddeeda isagoo markaas uun kasoo noqday shir looga arrinsanaayay xaaladda Libya oo ka dhacaayay Berlin. Inkasta oo Heshiiska uu Turkigu la galay dalka Liibiya ilaa hadda midho dhalin.

“Waxaa jira dalab ka yimid Soomaaliya oo ay ku leeyahiin ‘Saliid ayaa ku jirta baddayada, howlgal [Shidaal baadhis badda ah] ayaad ka waddaan Libya, laakiin halkana waad ka samayn kartaan’ ” ayuu Erdogan yidhi isaga oo lahadlaayay talefeeshinka NTV. “Sidaas darteed, waxaa jiri doonta tallaabooyin aan u qaadi doono [shidaal baadhista] halkaas.”