Taaladii La Midab-takooray !!! FAALADA #Hayaannews

Taaladii La Midab-takooray !!! FAALADA #Hayaannews
“Taalada Shimbirta oo hadh iyo Habeen la ooyeysa ciil….”
Si Bilicda caasimada Somaliland ee Hargeysa u noqoto mid heer sare oo soo jiidata indhaha dalxiisayaasha ajanebiga ah ee ku soo qul-qulaya Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa Maayorka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Ahmed Mooge inuu u cadaalad sameeyo guud ahaan degmooyinka iyo Xaafadaha magaalada, isla markaana wax ka bedelo hab-dhaqanka midab-takoorka ah ee Dowladda Hoose ku kala fadilayso taalooyinka ku yaal gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo qaarkood lagu sameeyay dayactir iyo dib-u-habayn, sida taalada Gacanta oo lagu soo wareejiyey deyr lagu dhex beeray dhir bixinaysa ubax qurux badan.
Halka qaar aan hoos-ba loo eegin xaalka ay ku suga yihiin in dayacooda wax laga qabto iska daaye..tusaale ahaan Taalada Shimbirta oo iyadu Ciil la Ooyeysa habeen iyo maalinba ka dib markii ay wayday cid u hiilisa ama u noqata garab iyo gaashaan, si ay asaageed ula jaanqaado.
Taaladii La Midab-takooray !!! FAALADA #Hayaannews