Golaha Guurtida Somaliland Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Dagaalka LAASCAANOOD.

Hargeysa (Hayaannews): Golaha Guurtida oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Laascaanood oo maalintiisi labaad galay, isla markaana waxay mudanayaashu tacsi u direen dadkii eheladoodu geeriyoodeen.

Fadhigii maanta Golaha Guurtida Somaliland oo uu Shir-guddoominayay guddoomiyaha aqalka odayaasha Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dagaalka, isla markaana waxa mudanayaasha faray in aan laga doodayn xaalada taagan ee dalka, oo aan lagu dul doonayn dadka dagaalku ka dul-socdo,balse laga doodayo arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Guddoomiye SaleebaaN Maxamuud Aadan ayaa waxa uu yidhi “Saaka waxa aynu galayna ajandaha, caafimaadka ayaynu ka bilaabaynaa, arrimaha taagan la gelimaayo, arrimaha taagan waataa Laascaanood, taa Laascaanoodna dagaal socda laguma dul doodo, arrinta Laascaanood waxa loo dhaafay raga goobta joogta,”

Xildhibaan Baddel Sheekh Khaliif ayaa u duceeyay guud ahaan bulshaweynta gobolka Sool, isaga oo duco iyo dardaaran warbaahinta u mariyay dadka degaanka.

Waxaanu yidhi.“Waxaan ILLAAHEY ka baryayaa in uu inaga joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood,intii ku dhimatayna ALLE haw naxariisto, inta dhaawacantayna ALLE haw boogo dhayo,”

Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Diirqadhaadh, ayaa tacsi u diray dadka ehelkoodii ku waayay dagaalka Laascaanood ka socda, waxaanu ALLE ka baryay in uu colaadaasi inaga bariyeelo. Waxaanu yidhi.“Waxaan tacsi u diraya ehelada dadkii dadkoodu ku dhinteen dagaalka Laascaanood, ee labada dhinacba ahaa, ee ahaa kugu dhimay ee gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, ILLAAHEY-na waxa aanu uga baryaynaa in uu arrinkaas innaga qaboojiyo, nabadgelyana uu ku soo celiyo, dadkuna dib u helaan waxyaabihii aasaasiga ahaa nolosha, sida waxbarashadii, caafimaadkii iyo waxyaabihii bulshadu u baahnaayeen”

Xildhibaan Axmed Aadan Qalinle ayaa ILLAAHEY ka baryay in uu nabadgelyo ku soo dabaalo magaaladaLaascaanood ee xarunta gobolka Sool.Waxaanu yidhi.“Inkasta oo hawl adagi jirto, ILLAAHEY ayaynu ka baryayna in uu hawshaasi innaga soo qaboojiyo, ALLE haynaga qaboojiyo,”

Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Siciid Libaaxo), ayaa ALLE ka baryay in Garaadada gobolka Sool ILLAAHEY xaqa garansiiyo, kuwaas oo uu sheegay in ay bulshada dagaal ugu baaqayeen: “Dagaalka Laascaanood ka socda ILLAAHEY haynaga qaboojiyo, ILLAAHEY ha qaboojiyo, iyada oo waliba jilaal aakhirkii lagu jiro ayay colaadaasi bilaantay, Laacaanood saakana mar kale ayuu dagaal ka dhacay.Nimanka Garaadada ee leh dagaalka halagalana ILLAAHEY xaqa hagaransiiyo, waliba Garaad ayaa aad ugu baaqayay ee ILLAAHEY hagaransiiyo”