“Beesha Caalamku Waa Indhoolihii Aan Wax Ka Iibinaynay” Ambassador Saamiya  Muuse

Nin indhoole ah ayaa koofiyadiisi dhigay dhulka, waxaanu is hor dhigay boodh ay ku qorantahay: Waxaan ahay indhoole ee fadlan i caawiya….! Waxaa soo ag maray nin xayeesiiska ka shaqeeya, waxaano arkay koofiyadii indhoolaha ay shilimaad yari ku jiraan…!

Markaasu ku riday shilimaan fara badan isaga oo aan u sheegin indhoolihi walibana Boodhkii hor yaalayna qoraalki ayoo ka badalay oo wuxu ku qoray odhaah kale waanu iska tagay.

Wuxu isla markiiba indhoolihi dareemay in koofiyadiisi ay shilimaad iyo lacag fara badani ka booxsameen, wuxu isla markiiba dareemay inay wax is badaleen, waxaanu dareemay in qoraalkii boodhka uu isbadalka keenay…! Wuxu waydiiyay dadkii waxa ku qoran boodhka..? Waxaana ku qornaa :

Waxaan ku jirnaa xiligii xagaaga laakin ma arki karo quruxdiisa.!

Hadaba beesha caalamku waa indhoolihii aan wax ka iibinaynay, markaa isbadalada geeska si aan u la jaan qaadano waa inaan la nimaadnaa siyaasad iib geen karta qadiyadeena oo kulba wakhtiga iyo xiliga la socota…!

Boodhkeena waxaa ku qornaa muddo 30 sano:

Waxaanu Rabnaa Aqoonsi…!

Markaa waa xiligii aan boodhka ka badali lahayen qoraalka noogu qoran oo aan ku badalano qoraal soo jiidasha leh oo ku qoran far waaweyn oo qurux badan sida:

WAXAANU NAHAY SOMALILAND HORUMARKA IYO ISBEDELKA GEESKA AFRICA…!

Samia Muse

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland