Hargeysa (Hayaannews):- Madax dhaqameedka, Siyaasiyiinta Iyo Aqoonyahanka Beesha #SAMMANE_Cabdalle ARAB ayaa waxay maanta si rasmi ah xisbiga mucaaridkah ee WADDANI ugu gudbiyeen Musharaxiinta u meteli doonta tartanka doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo deegaanka ee dhawaan dalka ka dhici doona.
Labada Chief Caaqil ee Beesha SAMMANE Cabdalle ayaa waxaay xisbiga WADDANI si rasmi ah ugu wareejisay oo ay caddeyeen in beeshu isku raacdey musharaxiinta DR. Ciise Cabdiraxmaan Kayd oo u tartami doona Golaha wakiilada Somaliland, halka Musharax Khadar Maxamed Maxamuud ( Khadar Qoorgaab-na u uku tartami doono Golaha Deegaanka.
Madasha Murashixiinta Xisbiga WADDANI lagu wareejinayay ayaa waxa goob joog ahaa Suldaan Xuseen Suldaan Cabdiqaadir, Chief Caaqil Maxamed Xaashi Cabdilahi , Chief Caaqil Axmed Barre Caydiid , Caaqil Jaamac Cabdilaahi Magan Buubaal , Caaqil Ismaacil Cabdi Aw Aadan , Siyaasi Cabdilaahi Xuseen IImaan Darawal , Siyaasi Cabdi-Haybe Axmed , Siyaasi Prof Axmed Maxamed Cadaad.
Sidoo Kale xisbiga WADDANI ayaa iyaguna waxaa madasha ku sugnaa Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-CIRRO), Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka ee Xisbiga Xildhibaan Cabdiqadir Xaaji Ismaaciil Jirde , Xoghayaha Guud ee Xisbiga Khadar , Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Yuusuf Nuux Yuusuf Iyo Masuulyiin kale.
#Mustafe_Janaale
#Hayaannews,Office
Hargeysa, Somaliland
Email: Hayaannewssoma@gmail.com