Dabaaldegyo Lagu Weyneynayo Xuska Sanadguurada 32aad Ee ka soo wareegtey Maalintii lagu dhawaaqey Madaxbaniinada Somaliland 18 May Oo Gilgiley Gobolada iyo Degmooyinka dalka

Hargeysa(Hayaannews): Munaasibado heer sare ah oo aad uga tayo sareeya kuwii sanadihii hore lagu maamusi jirey xuska 18 May ayaa sanadka 2023 ka qabsoomay Gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland. Kuwaas oo diyaargarowgooda laga sii dareemayey gudaha Magaalooyinka waa-weyn todonkii maalmood ee u dambeeyey.

Munaasibadahaas oo si habsami ah uga wada qabsoomay Gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa khudbado xiiso leh ka  jeediyey masuuliyiin isugu jirtey Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, xildhibaano ka socdey labada gole baarlamaan, iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolada iyo degmooyinka dalka, waxa kale, oo munaasibadahaas ku soo bandhigey gaardi cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, shaqaalaha dowladda Somaliland iyo qaybaha kala  Bulshada kuwaas oo goob walba ku siinayey salaan sharaf  madaxdii ku sugnayd.

xuska munaasibada 18 May ayaa sanadkan ka qabsoomin keliya magaalada Laascaanood   ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka Qaranka Somaliland iyo ciidamo huwan ah oo u abaabulan qaab qabiil.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad heer Qaran ah oo lagu xusayey munaasibadda 18-ka May ee sannad-guurada 32-aad ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu qabtay fagaaraha caasimadda Hargeysa ee lagu xuso munaasibadda 18-ka May, islamarkaana ay madaxweynaha kala qaybgaleen madaxweyne-kux-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-kuxigeenka golaha wakiillada, Madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo ka socday dalalka deriska iyo waddamada ay Somaliland saaxiibka yihiin iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana fagaaraha lagu soo bandhigay cudud ciidan iyo saanad militeri oo Qarankani leeyahay, iyada oo hay’adaha wax soo saar ee dalka, degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.

Ciidamada kala duwan ee dalka sida militeriga, Kamaandoosta, Asluubta, ilaalada Xeebaha, Laanta socdaalka iyo Booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaas oo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha Qaranku, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale oo muhiim u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Intaas kaddib, maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa kelmed kooban ka jeediyey munaasibadda, waxana uu shacabka ku hambalyeeyey maalinta Qaran ee 18-ka May oo ku weyn quluubta shacabka reer Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey bulshada reer Somaliland ee dabbaaldegga ugu jirta maalinta Qaran, waxana uu ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabka oo uu ugu hambalyeeyey maalinta Qaran ee 18-ka May  oo maalintii dalkani xorriyaddiisa dib ula soo noqday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag uga hadlay gardarrada joogtada ah ee maamulka Puntland ku hay xuduudaha Qaranka Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay Qaran ahaan cidna ka aqbalayn in taako ciiddiisa kamid ah cidi gardarro kusoo doonato, islamarkaana ay difaaci doonaan, waxana uu yidhi,“Sababta shantii Soomaaliyeed mid kasta  halkiisii maanta loogu ixtiraamayo ee Somaliland xadkeeda qudha ay Puntland iyo reerka deggeni  ugu soo riyoodeen qayb kamid ah Somaliland baannu goosanaynaa oo aannu hab qabali ah u goosanaynaynaa waa wax iga dhaadhici la’.  Ama shanta Soomaaliyeed xuduudahoodu way wada burburi, haddii ay Somaliland oo qudha tahayna waannu difaacaynaa inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed ku jiro Abkuu doono ha sheegtee.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com