Dawlada Deegaanka Oromia Oo Ku Dhawaaqday In Xaalad Deg dega Lagu Soo Rogay  Deegaankaas.

Oromia(Hayaannews) Xukuumada Dawlada Deegaanka   Ismaamulka Oromia Itoobiya  ayaa ugu baaqday dhamaan  shacabka iyo madaxda dawlad deegaanka in ay si hagar la’aan ah oo naf hurnimo ah uga   qayb galaan  dagaalka  lagula jiro Jabhada  TDF.

Waxaana  Xukuumada Dawlad Deegaanka Ismaamulka Oromia ayaa ku boorisay

Dhalinyarada iyo  dhammaan shacabka  in ay feejignaan ka muujiyaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada Difaaca.

Sidoo kale, maamulka Ismaamulka Dawlad Deegaanka Oramada  ayaa ugu baaqay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee  booliska, dableyda iyo hay’adaha kale ee amniga in ay garab istaagaan shacabka iyo dawladooda si ay u difaacaan sidii caadada ahayd, una joogteeyaan xoriyadda aan dhiigeena ku helnay ee aan kaga baxno gumeysiga qalafsan ee isku dayaya in ay dib u qabsadaan. waa sida hadalka ay dhigeene.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com