Dawlada Maraykanka Oo Ku Baaqay In Degdeg Loo joojiyo Dagaalka LAASCAANOOD, Xiisaddana La Dhammeeyo.

USA(Hayaannews): Dawlada Maraykanka oo ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, ee u dhaxeeya Ciidamada qaranka iyo maaleeshiyo beeleedyada, isla markaana xiisadda lagu dhammeeyo nabad iyo wadahadal

Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka Waaxdeeda Afrika, oo qoraal ku baahisay barta Twitterka, ayaa sheegtay in loo bahan-yahay in shacabka la ilaaliyo, khilaafkana wada-hadal lagu dhameeyo.

“Duqaymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood. Sidoo kale, waa in la ilaaliyaa dadka rayidka ah, gargaarka bani’aadannimadana aan la carqaladayn iyo in xiisadda lagu dhammeeyo nabad iyo wadahadal.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com