Dawlada Somaliland oo Magacowday Guddi Farsamo oo soo Afjarta Shaqaalaha Caafimaad ee Hawlgala
February 14, 2019 - Written by editor editor
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, wuxuu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo maanta soo gaadhay Xafiiska warqabadka ee Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu sheegay in isagoo fulinaya amarkii Madaxweynaha Somaliland uu magacaabay Guddi farsamo oo ka shaqeysa sidii loo soo afjari lahaa arrinta hawlwadeennada caafimaad ee ajanabiga ah ee ka shaqeysta dalka.
Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf Wasiirka Horumarinta Caafimaadku waxa uu Guddidaas farsamo u magacaabay dhakhaatiirta kala ah, Dr. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed (Dr. Geel), Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw-Koombe), Dr. Bashiir Cabdi Saleebaan, Dr. Farxaan Cumar Muuse, Dr. Faadumo Xaashi Iimaan, Dr. Saleebaan Cabdi Guulleed iyo Dr. Cismaan Maxamed Diiriye.
Wasiirka Caafimaadku wuxuu Guddidaas dhakhaatiirta ah ku adkeeyey inay si hagar la’aan ah oo hufan uga soo baaraan-degaan soo afjarista arrinta loo xil-saaray.