Dawlada Somaliland Oo Shaacisay In Xoolaha Nool Loo Iibgayn-doono Sadex Dal oo cusub

Hargeysa (Hayaannews ) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in Xoolaha Somaliland loo iibgayn doono saylado iyo suuq cusub oo ku kala yaalla saddex dal oo cusub oo kala ah Qadar Kuwait iyo Lubnaan.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in dalalka Qadar Kuwait iyo Lubnaan ay soo dalbadeen in loo iibgeeyo Xoolaha nool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Siciid Sulub oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan shacabka Somaliland u sheego dhoofkii Xoolaha oo Sannadkan istaagin, lix dal ayaa Xoolaha inaga qaadan jiray, waxa ku soo biiray saddex dal oo kala ah Qadar Kuwait iyo Lubnaan. waxaana markii hore Xoolaha inaga qaadan jiray Saudi Arabia Yemen, Cuman, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar, waxaana Xooluhu si toosa uga dhoofaan Dekeda Berbera”.