Dawlada Soomaaliya Iyo Hay’ada Gaadiida Hawada IATA Oo Heshiis Kala Saxeexday.

Nairobi(Hayaannews):Dawladda Soomaaliya iyo hay’adda caalamiga ah ee gaadiidka hawada IATA ayaa maanta magaalada Nairobi ku gaaray heshiis lagu sii xoojinayo iskaahsiga dhaqaale iyo faa’iidooyibka kale ee ijtimaaciga ah ee adeegyada hawada.

Heshiiskan ayaa waxaa wada saxeexen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardawsa Cusmaan Cigaal iyo ku-xigeenka madaxa IATA ee Africa iyo Bariga Dhexe Kaamil Alawadhi.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah ballaadhinta dhaq-dhaaqyada hay’adda IATA ee gudaha Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey markii dhowaan dawladda Soomaaliya ay dib usoo ceshatay heerka koowaad ee Class A ee ugu sarreeya ee adeegga hawada.