Madaxtooyada #Somaliland iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka oo go’aammo midaysan ka soo saaray colaadda Laascaanood

Hargeysa(Hayaannews);Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Qaran ee ka Qabsoomay Madaxtooyada JSL ku dhexmaray  Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka.

Shir Qaran oo shalay oo ay taariikhdu tahay 11/02/2023 ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenku Somaliland, guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI. Ayaa laga soo saaray  Go’aamadda hoose:-

  1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.
  2. Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.
  3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.
  4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.
  5. In arrimaha Qaranka si wada jira loo wajaho lagana wada tashado.

#Hayaannews

#Mustafe_Janaale