Nuxurka Kulanka Guddida Komiishanka Maamul-Wanaaga Somaliland Iyo Qoddobada Lagaga Hadlay

Hargeisa,(Hayaannews)- Kulanka Xubnaha Komishanka Maamul Wanaaga oo uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Somaliland Md. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa ka qabsoomay xarunka komishanka Maamul Wanaaga JSL .
kulankan oo ay ka o qayb galeen Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Pro, Axmed Xasan, Komishaneer Axmed Jaamac Maxamuud, Komishaneer Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Marwo Farxiya Maxamed Cabdiraxaan.
Kulankan oo ahaa kulamada caadiga ah ee uu dhigayay Xeer Hoosaadka iyo Xeerka Guud ee Komishanka ayaa ujeedadiisu ahayd.
– [ ] Ansixinta Qorshe hawleedka Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
– [ ] Dardargalinta hawl socodsiinta Komishanka ee sanadka 2023-ka.
– [ ] Ansixinta dib u qaabaynta hawlaha Komishanka lagu sameeyay.
Iyada oo qodob walba sidiisa looga Dooday loona Ansixiyay.
Gunaanadkiina.
Guud ahaan waxay xubnaha Guddidu falanqayn iyo dood ka dib ansixiyeen qodobadii kalfadhigan u ahaa ubucda kulanka.