Diblomaasiyad Ku Hal-qabsatay Abuubakar Sidiiq iyo Sida looga Dareeen-celiyey


London(Hayaannews):- Dadka baraha bulshada adeegsada ee dalalka Carbeed ayaa aad uga fal celiyey qoraal ay boggeeda Twitter-ka ku soo qortay af-hayeenka xukuumadda Ingiriiska ee u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, Rosie Dyas, qoraalkaas oo ay ku soo hal qabsatay saxaabigii Abuubakar Al-Sidiiq.

Waxaanay Dyas ku tidhi qoraakeeda sidatan; “Abuubakar Al-Sidiiq, Allah ha ka raali ahaadee, wuxu yidhi (geed midho dhala ha goynina, dhismena ha duminina, lax iyo neef geela toona ha boqno goynina hadaan gaajo idin hayn, geed timir ahna ha gubina biyo badanna ha ku furina).”

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Waxaanay intaa ku dartay oo ay qoraalkeeda ku tidhi; “Waxa maanta bilaabmaya tirinta maalmaha inaga xiga furitaanka shirka wax ka qabashada isbedelka cimilada oo ku qabsoomi doona Ingiriiska sannadka dambe. Waxaana waajib inaga saaran yahay in aynu daryeello dhulka. Wada jir aynu wax uga qabano isbedelka cimilada.”

Maalmo ka horna waxay Dyas Muslimiinta ugu hambalyeysay munaasibadda Mawliidka Nebiga Shariifka ah oo waxay tidhi “waxaan munaasibadda Mawliidka Nebiga ugu hambalyeynayaa Musliinta Ingiriiska, kuwa gobolka iyo guud ahaan ba dunida oo aan leeyahay sannad wanaagsan oo khayr leh munaasibadda Mawliidka Nabiga ee Shariifka ah awgeed.”

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Qoraalkaa ay Twitter-ka ku baahisay Rosie ayey aad u soo dhaweeyeen bulshada Carabta guud ahaan iyo Muslimiintuba waxaanay qaarkood ku tilmaameen Dyas in ay tahay “diblomaasiyadii ugu fiicnayd ee Ingiriiska ee Bariga Dhexe ka shaqo gasha.”

Waxiid Al-Yaafici ayaa waxa uu qoray “Ingiriisku seeska uma ay dhigin oo keliya xeerka wad jirka ee horseeday kobaca dhaqaalaha caalamka, ee xataa waxay afkoodii ka dhiceen mid dunida oo dhami ku hadasho. Iyaga oo adeegsanaya diblomaasiyadda iyo awoodda debecsan ayey isku taxalujiyeen in ay af-Carabiga ku hadlaan kolkaasay si fiican u barteen. Rosie Dyas waxa la odhan karaa waa diblomaasiyadii ugu fiicnayd ee Ingiriis ah ee Bariga Dhexe ka shaqo gasha.”

Geesta kalena waxay dadka Twitter-ka arintaa kaga falceliyey ku dhaliileen masuuliyiinta Carbeed ee ku soo hal qabsada hadallada shakhsiyaadka ay ka midka yihiin Napoleon iyo Churchill “iyaga oo ka xishoonaya in ay xusaan xadiis Nebi ama hadal asxaabta midkood yidhi” waa siday hadalka u dhigeene.

Saalim Farxaati ayaa waxa uu yidhi “af-hayeenka xukuumadda Ingiriiska, Rosie Dyas, waxay ku soo hal qabsatay hadalkaa macaan ee Abuubakar Al-Sidiiq Allah ha ka raali ahaadee, masuuliyiinta Carabtuna waxay ku faanaan oo aanay afkaba ka daynin ku hal qabsiga Napoleon Bonaparte, Bernard Shaw iyo Churchill oo waxay ka xishoodaan in ay xusaan xadiis Nebi ama weedh uu yidhi asxaabtii sharafta lahayd midkood, waana sababta Islaamka jidhkiisu wadamadeena u joogo ruuxdiisuna ku nooshahay dhulkooda”.

Sidoo kale waxay dadka qaarkood sheegeen in “Carabtu ka dhoohan yihiin xikmadda dadkooda.”

Haani Sabaali ayaa waxa uu qoray “in yar uun baa garanaysay in hadalkan uu yidhi Khaliifkii Al-Sidiiq, haatan se mar hadii ay gabadhaa Reer Galbeed sheegtay kulligood way wada xafidi doonaan. Rosie Dyas af-hayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga Dhexe ayaa ku soo halqabsatay dardaarankii Khaliif Abuubakar Al-Sidiiq Allah ha ka raali ahaadee, waxaanay dadka ku dhiiri gelisay in la daryeelo deegaanka. Maba oga in aanay dunida Islaamka in yar oo Alle garansiiyey mooyee aanay cidiba dhaadanayn midhkaa.”

Rosie Dyas

Xukuumadda Ingiriiska ayaa Rosie Dyas xilkaa u magacawday bishii Jeeniweri 2020 oo waxay xilka kala wareegtay af-hayeenkii hore, waxaana lagu bartay in ay boggeeda rasmiga ah ee ay ku leedahay Twitter-ka u adeegsato Af-carabi, waxaanay marar hore oo badan Muslimiinta ugu hambalyeysay ciidaha.

Afhayeenka Britain ee Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika Rosie Dyas oo Abuubakar Sidiiq ku Hal-qabsatay

Waxa lagu wadaa in shirmadaxeedka 26-aad ee Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada isbedelka cimilada aduunka sannadka soo socda lagu qabto magaalada Glassgow ee gobolka Scotland, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Ingiriiska. Waxaana ka qayb geli doona wufuud tiradoodu kor u dhaafayso 30 kun oo ka kala socda dunida oo ay ka mid yihiin khubaro ku takhasusay culuumta bii’adda, gacansato iyo muwaadininn caadi ah si heshiis lagu diirsado looga gaadho wax ka qabashada isbedelka cimilada.

Xigasho BBCSomali

Hayaannews