Dowladda Itoobiya Miyey ka Baxday Saamigii Laga Siiyey Dekedda Berbera Ee Somaliland?

Berbera(Hayaannews)- Warar lagu kalsoon yahay oo Waryeyska soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Dawladda Itoobiya ay gabi ahaanba kalaabatay Saamigii 19%-ka ahaa ee ay ku lahayd Mashruuca maalgashi ee ay shirkadda Imaaraatiga ah ee Dp-World kula wareegtay Marsadda Magaaladda Berbera ee Somaliland.

Xoggahan oo Wargeyska Foore  ka helay diblumaasiyiin ku sugan dalka iyo dabadiisa  oo u dhuun-daloola arrimahan,ayaa tibaaxay in dawlada Itoobiya,ay gebi ahaan-ba ka noqotay saamigii 19% ah ee maalgashiga Marsadda,isla markaasna ay la baxday saamigaas ay ku lahayd maalgashiga Dekadda Berbera,waxaanay taas baddelkeeda ay door-biday inay iskugu lugga duwato dhankaa iyo Dekaddaha dalka Jabuuti ee ay hore u isticmaali jirtay iyo dekedo kale oo ay ka qorshaynayso Wadamada badaha ee Geeska kuyaala.

Dhanka kalena tan iyo markii uu Xukunka Itoobiya la wareegay Raysal Wasaare Abiy Ahmed  waxa isoo tarayay in Dawladda Itoobiya ay ka noqotay saamigii ay Dawladda Somaliland ka siisay Mashruuca Shirkadda Imaaraatiga ah ee Dp-World kula wareegtay Marsada Magaaladda Berbera iyo in aanu wanaagsanayn xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, marka loo eego cahdiyadii hore ee Dowladii Siilaanyo iyo Riyaale,waxaana taasi loo nisbaynayaa inay keentay in Dowlada Itoobiya ay gebi ahaan-bala baxdo saamigii maalgashiga marsada Berbera ay ku lahayd ee ahaa 19%

Geesta kalene xogga ayaa intaas ku daray inay Itoobiya joojisay wax-yaabihii ay kale soo degi jirtay Magaalada Berbera,iyadoo aan dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey isticmaalin Dekadda Berbera,haseyaashee xoggohan ayaan si rasmi ah u sheegin sababaha rasmiga ah ee ay Itoobiya uga noqotay saamigii ay ku lahayd maalgashiga marsada Berbera iyo sababaha ay u joojisay isticmaalkii Dekadda Berbera.

Ma jiro War amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo Dowlada Itoobiya,marka laga reebbo xogaas aanu helayna ee sheegay in Dowlada itoobiya ay gebi ahaanba ka laabatay saamigii ahaa 19% ee ay ku lahayd maalgashiga marsada Berbera, balse waxa la filayaa inay Xukuumadda Somaliland ay maal-maha soo soccda arrintaas ka haddasho,islamarkaana ay tafaasiil ka bixiso. Sidoo kale Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhinaca Somaliland ay ku doodaysa in ka noqoshada saamiga Itoobiya uu ka yimid dhinacan Somaliland islamarkaana ay Somaliland arimo amni awgeed u joojiisay Saamigaasi.

Dhinaca kale xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Xukuumadda Abiy iyo Dawladda itaalka daran ee Soomaaliya ayaa sii xoogaysanaya waxaana si weyn loo aanaynayaa in  gaabis ay Itoobiya ku samaysay Xidhiidhkii Somaliland ay lahayd inuu yahay mid ay ku raaligalinayso Dawladda Farmaajo oo cadaadis diplomaasiyadeed ku haysa Somaliland.

 

Xigasho Wargeyska Foore.