Dowladda Somaliland Oo ka Digtey Khatarta Kooxo Ay Ugu Yeedhay iney Ka Soo Horjeedaan Madax-banaanideeda

Hargeysa(Hayaannews): Dowladda Somaliland ayaa sheegtay in ay xog ku heshay weerar ay ku soo qaadayaan maalmaha soo socda ciidanka Puntland, ayna doonayso in ay is difaacdo, oo ay xaqiijiso madax banaanideeda, Caalamkana ay ka rabto inay taageero uga hesho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Fariid ayaa sheegtay inay gudaha dhulkeeda soo galeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran PL ee PSF iyo PMPF (Imaaraatka), isla markaasna ay sugayso madax banaanida dhuleed ayna xaqiijinayso in ay ka hortagto khatarta kooxahan oo ay ugu yeertay in ay ka soo horjeeda madax banaanideeda.