Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Dilka 50 Al-Shabaab Ah

Muqdisho(Hayaannews): Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in ka badan 50Xarakada Al-Shabaab ah in lagu dilay duqayn ka dhacday maanta deegaan u dhow magaalada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada dawladda iyo saaxiibada caalamka.

Idaacada VOA si madax-bannaan uma xaqiijin khasaaraha ay dawladdu sheegtay inuu ka dhashay duqayntan.

Sheegashadan ayaa imaneysa ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay 27-kii March 2023, in ka badan 80 ka titrsan maleeshiyaadka al-Shabaab in lagu dilay hawlgallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool