Furitaanka Ururadda Siyaasada Yaan La Shareysan: Faalada Shabakada HayaanNews

Kadib Markii Dowladda Somaliland ku dhawaaqdey in la furey Ururadda Siyaasadda Somaliland. Maalintii sabtida waxaa la sheegay inay cabsi weyni soo waajahdey Madaxda Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADANI, oo ka wel-welsan waxa ay ku danbeyn doonaan mustaqbalka jiritaanka Xisbiyadooda.

Dhawaaqa Xukuumadda Somaliland ee furitaanka Ururada Siyaasadda waxa dad baddani ku tilmaameen inuu yahay mid saameyn ku yeelanaya qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo weliba Mustaqbalka jiritaan ee Xisbiya WADDANI iyo UCID,maadama iyaga iyo Xisbi xaakimka KULMIYE ay ka mid noqon doonaan Ururada tirada tirada baddan ee ka qayb-geli doona tartanka Doorashadda,taas oo sadexdda urur ee ku guuleysta tartanka keligood loo aqoonsan doono inay yihiin Sadexda Xisbi Qaran ee sida sharciga ah uga jira Somaliland.waxana dadkaasi shaki geliyeen dhex-dhexaadnimada Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ee uu gudoomiyaha ka yahay Cabdirashiid Riyo-Raac. Haseyeeshee,waxay ugu baaqeen saddexda Xisbi Qaran in aan midkoodna shareysan furitaanka Ururada maadama ay wadda saaran yihiin hal doon.

Tan iyo markii ay soo baxday dhawaaqa xukuumadda ku shaacisay inay Ururadu furan yihiin ayaa waxa guud ahaan soo dhaweeyey shacabka reer Somaliland oo caawa aad u hadal hayay arrintaasi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com