“Geeridii Madaxweyne Magufuli Qalbiga Ayay Iga Dhaawacday….”  Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan

Tanzania(Hayaannews): Madaxweyne ku xigeenkii waddanka Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa loo dhaariyay xilka Madaxweynaha kaddib geeridii madaxweynihii dalkaas John Magufuli, waxayna noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota dalka Tanzania.

Madaxweynaha cusub, Samia, oo ka hadleysay xafladda dhaarta waxay ballan qaadday inay daacad u noqon doonto dalkeeda, islamarkaana ilaalin doonto dastuurka.

“Maanta waxaa la ii dhaariyay xaafiiska ugu sarreeya ee dalkeenna anigoo baroor diiq ku jira, mana aha maalin ku habboon inaan idin la hadlo, geeridii madaxweyne Magufuli qalbiga ayay Iga dhaawacday, inkasta oo aan ogahay inagaa waxba naga khaldami doonin hadana waxaan idin ku baaqayaa inaad midnimo, wadajir iyo is jaceyl muujisaan” ayay tidhi Samiya oo la hadleysay dadka reer Tanzania.

Madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufli ayaa Arbacdii u geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha sida ay sheegeen saraakiisha sare ee dowladda Tanzania, hase yeeshee hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu ayaa ku adkeysay in Magufuli uu u geeriyooday xanuunka COVID19.

John Magufuli ayaa geeridiisa hor wuxuu shaki galiyay jiri taanka cudurka covid19 iyo tallaakiisa, wuxuuna ku tilmaamay shirqool reer galbeed, taas oo ka careysiisay bulshada caalamaka, gaar ahaan hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Caqabadaha ay waajaheyso Samiya Xuseen waxaa ka mid ah xakameynta cudurka covid19,iyo yareynta fakhriga dadka dadkiisu yihiin 58-ka Milyan.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland