Guddiga Joogtadda Wakiiladda Oo Wasiirka Daakhiliga Wax Ka Waydiiyay Xaaladda Nabadgelyadda Dalka

Hargaysa (Hayaannews): Guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo ay su’aalo ka waydiiyeen xaaladda guud ee nabadgelyadda dalka.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda ee magaaladda Hargaysa ayaa xildhibaanadda ka tirsan guddiga joogtadda Wakiiladda ayaa wasiirka daakhiligu waxa uu xog waran ka siiyay nabadgelyadda dalka iyo siday xaaladu tahay.

Kadib markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabihii ay labadda dhinac shirkaas iskula soo qaadeen wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu tilmaamay in ay arrin caadiya tahay in guddiyadda baarlamaanku ay u yeedhee hadba wasiirka ama masuulka ay xog uga baahdaan.

Maxamed Kaahin Axmed, oo ka warbixinayay qodobadii ay guddiga joogtadda Wakiiladda kulankaasi ku falan qeeyeen, waxa uu yidhi “Waxay ahayd in aan xog waran ka siiyo xaaladda guud ee nabad gelyadda dalka. Arrintaas si aad iyo aad u balaadhan ayaanu isaga waraysanay, su’aalo fara badan ayay iga waydiiyeen, xaaladuhu siday u jireen ayaan ugu sheegay.

Waana arrin caadiya oo guddiyadu baarlamaanku in ay xog waraysi la yeeshaan, si xog ogaal ugu noqdaan xaaladaha dalka ka jira, maalinba wasaaradda ay u baahan yihiin in ay xog helaan.

Aad iyo aad ayaanan ugaga mahad naqayaa yeedhmadoodda iyo su’aalaha ay I waydiiyeenba. Shirkaasina si wanaagsan ayuu noogu dhamaaday”.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay, “Guddiyadda kale ee ay arrintani la xidhiidho, ee nabadgelyadda iyo arrimaha goboladuna mar hore ayay halkan iigu yeedheen, waana wax caadiya oo wasiirradii kale-ba way u yeedhi jireen.

Waayo? Waa golihii baarlamaanka oo xilkii golaha Wakiiladda inoo haya, iyo anagoo xilkii wasiirrada hayna in mar walba xaaladaha uu dalku marayo, hadday nabadgelyo tahay, hadday ganacsi tahay, hadday dhaqaale tahay, hadday caafimaad tahay-ba in ay iyaguna xog ogaal u noqdaan” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed