Hoggaamiye Al-SHABAAB Ka Tirsanoo Isu Bedelay Hogaamiyaha SSC

Hoggaamiye Cabdi Madoobe oo ka tirsan Al-shabaab

Hargaysa (Hayaannews) Taliska ciidanka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in hoggaamiye ka tirsan kooxda Al-shabaab uu isu’beddelay hoggaamiyaha SSC, isla markaana uu hore wacad ugu maray in uu dagaal ku soo qaadayo xukuumadda Somaliland iyo ciidanka Qaranka.

Warku waxa u intaas ku daray in hoggaamiye Cabdi Madoobe oo ka tirsan Al-shabaab oo warbaahinta la hadlay uu shaaca ka qaaday in Waxaa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Qaranka Somaliland oo soo gaadhay xafiiska war-qabadka Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhigna sidan:

“Cabdi Madoobe oo ahaa hogaamiye ka tirsan Al Shabaab warkii uu warbaahinta mariyay dhawaan uu cadayn u yahay in ay iyagu ka danbeeyeen rabshadihii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Muuqaal shir jaraa’id uu Cabdi Madoobe qabtay maalintii Sabtida 31 December 2022 ayaa muujinaya in argagxisada Al Shabaab iyo kooxda SSC muddo hore sii qorsheysteen inay burburiyaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka,taasoo caddeyn u ah gacantooda rabshadahii ka dhacay magaalada Laascaanod.

Hogaamiyaha kooxda Al Shabaab Cabdi Madoobe oo hore shacabka Somaliland iyo beesha caalamku aanay wax xogo ah uga hayn joogitaankiisa Somaliland ayaa shirkan qabtay isagoo xidhay shaadhka hogaamiye kooxda SSC ah, uguna baaqay shacabka deegaanada inay hubka qaataan una diyaargaroobaan dagaal ay la galaan ciidamada Somaliland, maalin kadib markii Madaxweynaha JSL Muuse Biixi caalamka u sheegay in rabshada ay ka dambeeyaan argaxisada caalamiga ah.

Argagxisada shabaab oo shaadh SSC xidhay ayaa iclaamiyey inay dagaal ku qaadi doonaan Somaliland, isla markaana ka xoreeyaan deegaamadooda.

Waxuu dhamaan bulshada deegaanada ugu baaqay inay ka qeybqaataan halgan lagu xoreynayo deegaamadooda ‘Dhalinyaradu waa inay qaataan hubka, ganacsatada, culimada iyo haweenka waa inay doorkooda ka qaataan’, ayuu kaga baaqayaa hogaamiyaha kooxda Shabaab Cabdi Madoobe muuqaalka.

Muuqaalka oo ay ka soo muuqdeen ciidamo kala duwan iyo hubkooda ayaa badandoodu wejiyadoodu qarsoonaa,taasoo ah calaamad muujinaysa inay yihiin xubno ururada argagxisada Al Shabaab ka tirsan. Hadalka hogaamiyaha shabaab oo shan daqiiqadood soconaya ayaa dhamanatii u muuqda mid uu qorshahooda dagaal ugu raadinayo taageero dhaqaale gudaha iyo caalamka.”

Hoggaamiye Cabdi Madoobe oo ka tirsan Al-shabaab

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com