Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka Tirsan Khawaarijta Al-Shabaab Oo Isu Soo Dhiibay Kooxda Macawisley Ee Koonfurta Soomaaliya

Muqdisho(Hayaannews): Xubno ka mid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda  Khawaarijta ee Soomaaliya ayaa isu soo dhiibay mileyshiyaadka Macawsleyda kadib markii ay  u adkeysan waayeen dhibaatooyinka nololeed ee duurka ku heysta argagixisada iyo baacsiga ay kala kulmayaan shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay.

War uu baahiyey TVga Maamulka Xasan Sheekh ee Muqdisho ayaa sheegay in deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibeen tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta, kuwaas oo soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay maamuladaas.

Sacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan Khawaarijta ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo Khawaarijta ku abuurtay cabsi badan, geeri joogto ah iyo nolosha duurka oo ku adkaatay.

Si kastaba ha ahaatee waxa dad badani isweydiinayaan halka ay ka baxeen Ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo tababarey dalalka Turkiga, Calateriya, iyo Yugaandha.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland