Madaxweynaha Somaliland Muuse  Biixi Oo Qallinka Ku Duugay Dhaqan-galka Go’aanka Komishanka Ee Cayimaada Doorashooyinka Isku Sidkan

Madaxweynaha-Somaliland-Muuse-Biixi-Cabdi-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxeexay dhaqan-galka go’aanka Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ee dhigayay in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Doorashada tooska ah ee asxaabta qaranka ay wada qabsoomayaan 13-ka bisha November 2024-ka.

War-saxaafadeed uu Madaxweyne Muuse Biixi soo saarey maanta  oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews ayuu ku caddeeyey in doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Asxaabta Siyaasadda ay wada qabsoomayaan wakhtigii loo cayimay oo ah 13-ka November 2024-ka.

War-saxaafadeedkaas oo faah-faahsan ayaa u dhignaa sidan;

Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024 : Cayimaadda muddada qabsoomidda Doorashooyinka.

Markaan arkay:  qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan arkay:  Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay;  Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Madaxweynaha-Somaliland-Muuse-Biixi-Cabdi-Hayaannews

#HayaannewsOffice

#HargeisaSomaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com