Jeneraal Mahad Cambaashe oo Digniintii Ugu Dambaysay U Diray Kooxaha Huwanta, si Cadho lehna Uga Hadlay Dhibaatada Wehelka u Noqotay Laascaanood

Taliyaha guutada 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland ๐’๐š๐ซr๐ž๐ž๐ฒ๐ž ๐†๐ฎ๐ฎ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‚๐š๐ง๐›๐š๐š๐ฌ๐ก๐ž a

LAASCAANOOD(Hayaannews): Taliyaha guutada 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland ๐’๐š๐ซr๐ž๐ž๐ฒ๐ž ๐†๐ฎ๐ฎ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‚๐š๐ง๐›๐š๐š๐ฌ๐ก๐ž ayaa digniintii ugu dambaysay u diray kooxaha huwanta, si cadho lehna uga hadlay dhibaatada wehelka u noqotay Laascaanood

Sida waxa uu ku sheegay ๐–๐š๐ซ-๐ฌ๐š๐ฑ๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐ž๐ž๐ uu ku saxeexan-yahay oo maanta nuqul ka mida ay heshay Shabakada wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhigaa sidan:

โ€œLabadii bilood ee ciidammada Qaranka Somalilandย  kaga maqnaayeen gudaha magaalada Laascaanood sidii xal nabad ah loo gaadhi lahaa waxa magaalada Laascaanood ka dhacay 12 dil, 5 kufsi iyo boob tiro dhaaf ah oo hantiidii ganacsatada iyo guryaha tiileyba aan la dhaafin, iyadoo Laascaanood hoy u noqotay khamriga iyo mukhaadaraad aan xad lahayn. Maanta dadkii la khalday ee reer Laascaanood waxay si fiican u garanayaan xumaha ay dhaxalsiiyeen maanlaawayaashii dhiiggooda, caarkooda iyo sharaftoodaba iibsadey ee ku ciyaaray.

Haddaba, waxaan reer Laascaanood ugu bushaaraynaa in ciidamadiinnii qaranku si deg-deg ah idiinka sifayn doono wuxuushta sharaftiina, maalkiina iyo dhiiggiinaba dhulka ku daray.

Taliyaha guutada 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland ๐’๐š๐ซr๐ž๐ž๐ฒ๐ž ๐†๐ฎ๐ฎ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‚๐š๐ง๐›๐š๐š๐ฌ๐ก๐ž a

Waxan fursad digniin kama danbays ahย  u sheegayaa kooxaha huwanta ah ee tamardarridu dhaxalsiisay inay gabbaad ka dhigtaan guryihii ay ka qixiyeen shacabkii reer Laascaanood in ay si deg-deg ah uga baxaan gudaha Laascaanood iyo guud ahaan G/Sool baโ€.