Dagaal Culus Oo ka Qarxay Caasimadda Dalka Sudan Ee Khartoum 

Khartoum(Hayaannews): Kooxda ugu weyn malayshiyada sida milatariga u tababaran ee dalka Sudan ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay qabsatay qasriga madaxtooyada, guriga uu deggan yahay Taliyaha Ciidamada Milatariga iyo garoonka weyn ee caasimadda Khartoum.

Tallaabadan ayaa u muuqata isku day afgambi, laakiin milatariga Sudan ayaa sheegay in ay weli dagaal kula jiraan kooxdan.

Kooxdan la magac baxday Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Sudan ee loo yaqaan RSF ayaa ku eedeysay milatariga Sudan in ay iyagu weerarka bilaabeen. Waxaa kaloo ay sheegeen inay la wareegeen garoomada magaalooyinka Merowe ee waqooyiga Sudan iyo El-Obeid oo galbeedka ku taalla.

Xaaladda magaalada Khartoum ayaan weli kala caddeyn. Ciidamadu waxa ay sheegeen inay dagaal kula jiraan malayshiyada RSF gaar ahaan meelaha ay sheegteen inay qabsadeen. Waxaa kale oo uu milatarigu sheegay in ay saldhigyo ka qabsadeen RSF, iyagoo dhinaca kale dafiray in ay kooxdu ay qabsatay garoonka dayuuradaha ee magaalada Merowe.

Isku dhacyo waaweyn oo dhex maray kooxda RSF iyo milatariga Sudan ayaa dalkaasi gelin kara xaalad colaad ah oo baahsan, xilli Sudan ay la daalaa dhaceyso burbur dhaqaale oo ku dhacay iyo isku dhacyo qabaail.

Waxaa kaloo ay arintan xagla daacin kartaa dadaalkii loogu jiray in dalkaasi ay doorasho ka qabsoonto xukunkana rayidka lagu wareejiyo.

Isku dhacyada qarxay ayaa daba socda xiisado ka dhex oogmay miltariga Sudan iyo ciidamada RSF oo qorshuhu ahaa in miltariga lagu daro iyo cidda howshaasi maamuleysa.

Muran arrimahaasi ka dhashay ayaa dib u dhigay saxiixa heshiis caalamku taageeray oo ay gaareen dhinacyada siyaasadda Sudan, kaasi oo dulucdiisu ahayd in Sudan ay u guurto hannaan dimuquraadi ah.

Ciidamada RSF ayaa ku eedeeyay milatariga Sudan in ay maleegayaan qorshe ay riixayaan kuwii daacadda u ahaa madaxweynihii hore ee awoodda badnaa ee Sudan Cumar Xassan Al-Bashiir – kaasi oo xukunka laga tuuray sanadkii 2019-kii.

Waxaa kale oo ay miltariga ku eedeeyeen in uu qorsheynayo in uu xukunka xoog iyo afgambi ku sii heysto.

Kooxda RSF waxaa madax u ah hogaamiye kooxeedka General Mohammed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemeti, kaasi ku xigeen u ahaa Madaxa Golaha Talada Sudan hayey tan iyo 2019kii, General Abdel Fattah al-Burhan.

Ciidamada Sudan ayaa sheegay in ciidanka cirka ee dalkaasi ay fulinayeen howlgallo ka dhan ah RSF. Muuqaallo laga sii daayay telefishinnada Sudan ayaa muujinayay dayuurado milatari oo dul heehaabaya hawada magaalada Khartoum, laakiin wakaaladaha wararka ee caalamiga ah ma xaqiijin arrintaas.

Rasaas ayaa laga maqlayay qeyb kala duwan oo Khartoum ah, goob joogayaalna waxa ay soo sheegayaan rasaas ka dhaceysa magaalooyin Khartoum ku dhow dhow.

Wariye ka tirsan wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo sheegay in uu arkayay madaafiic iyo gaadiidka gaashaaman oo la geeyay wadooyinka caasimadda Sudan, waxaana uu maqlayay hubka culus oo ka dhacaya meelo ku dhow dhow xarumaha ugu waaweyn miltariga iyo kuwa RSF.

Sidoo kale muuqaal la baahiyay ayaa muujinayay qiiq madow oo hawada isku shareeray qeybo ka mid ah Khartoum. Dhaqaatiirtu waxa ay sheegeen in ugu yaraan sadex qof oo rayid ah ay dagaalkan ku dhinteen.

Mareykanka, Ruushka, Masar, Sacuudiga, Qaramada Midoobay iyo Miwoga Yurub ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda.

Kooxda RSF ayaa la sheegaa in ay leeyihiin ciidamo xooggan oo gaaraya 100 kun, waana qeyb ka mid ah maleeshiyadii Janjaweed ee sanadkii 2000 ka dagaallamayay gobolka Darfur ee galbeedka Sudan halkaasi oo qiyaastii 2 milyan iyo bar qof ay ku barakaceen, qiyaastii 300 oo kunna lagu dilay.

Suxufi Mohamed Colaad

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com