Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya

Muqdisho(Hayaannews): Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aaden ayaa mar kale loo magacaabay taliyaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo horey usoo noqday.

Magacaabista Jeneraal Mahad ayaa waxaa maanta is aqlabiyad u ah u ansixiyey Golaha Wasiirada kadib markii ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

“Waxa uu horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.”

Jeneraal Mahad ayaa xilka taliyaha asluubta ka degay bishii April 2022, kadib markii uu noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, maadaama dastuurka diidayo in xildhibaanada ay qabtaan xilal ka baxsan golaha wasiirada.

Waxaa sidoo kale hadda la filayaa inuu waayo kursiga xildhibaan oo la beddelo.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.