KENYA: Madaxweyne Ruto Oo Ugu Baaqay Raila Odinga Inuu Joojiyo mudaaharaadyada

Nairobi(Hayaannews):Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si toos ah shacabka ugala hadlay TV-ga, markii ugu horeysay tan iyo markii ay dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo qiimaha qaaliga ah ee maciishada iyo ‘wax isdabamarinta doorashada’ oo uu soo abaabulay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, kuwaas bilowday 20-kii Maarso.

Waxa uu Odinga ugu baaqay in uu joojiyo mudaaharaadyada la qorsheeyay maalinta berri ah.

Ruto ayaa sheegay ‘in mudaaharaadku muuqaalka Kenya uu saameyn xun ku yeelanayo’ isla markaana dhaqaalihii dalkana uu aad u saameeyay xilli maamulkiisu uu ku dadaalayo sidii uu dhaqaalaha uga soo bixin lahaa waxa uu ugu yeeray ‘godka dheer ee ay ugu yimaadeen.’

Waxa uu sheegay in doorashooyinkii Agoostadii lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

“Waxaan rajaynaya in cabashada mucaaradka ee khaladaadka doorashada lagu xalin karo baarlamaanka iyo koox laba dhinac ah si ay si wadajir ah wax uga qabtaan waxa mucaaridku rabo” ayuu yidhi Ruto.

Weerarada ka dhanka ah warbaahinta, ayuu Ruto sheegay in dalkiisu uu aaminsan yahay warbaahinta xorta ah. “Wax kasta oo ka qeyb qaadanaya khatar-gelinta warbaahinta waa mid aan la aqbali karin” ayuu raaciyay madaxweynaha Kenya William Ruto.