Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Afur iyo Casho Sharaf Ah U Sameeyey Culimaa’udiinka Waa-weyn Ee Somaliland

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa fiidnimadii caawa kulan   isugu jirtey afur iyo casho qasriga Madaxtooyada  ugu sameeyey  Culimaa’udiinta waaweyn ee reer Somaliland

Kulankan oo ujeedadiisa ahayd in la iska xogwareysto xaalada guud ee dalka Somaliland, gaar ahaan Xiisada dagaalka  Laascaanood waxaa  Madaxweynaha iyo xubnaha  Culimaa’udiinka reer Somaliland ku weheliyey  Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha maxkamadda sare, qaadi Aadan Xaaji Cali Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), xubno kamid ah golaha wasiirrada,  siyaasiyiin iyo haldoor kale oo reer Somaliland.

waxana munaasibadda laga akhriyey hadallo salka ku haya muhiimadda culimadu leedahay iyo sida ay hormuudka ugu yihiin guusha nololeed ee If iyo Aakhiraba.

Ugu horrayn, wasiirkii hore ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekhal beledka Boorama, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar iyo aqoonyahan Cabdirashiid Maxamed Baaxeer oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday kaalinta culimadu u leedahay liibaanta iyo guusha ummadda, iyaga oo madaxdana dalkana kula dardaarmay inay muhiimad gaar ah siiyaan ilaalinta Diinta iyo shacaa’irta Islaamiga ah.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa isaguna madaxweynaha qaranka uga mahadnaqay sida uu u sharfay culimada dalka iyo kaalinta uu mar kasta siiyo talooyinka uga yimadda dadka Ahlu diinka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse oo isagu munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn uga mahadnaqey wasaaradda Diinta iyo Awqaafta doorka ay ku leedahay qabsoomida kulanka madaxweynaha iyo culimada, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu mar kastaba u dhego nugul yahay talooyinka culimadu soo jeediyaan, go’aamada uu qaadanayana ku saleeyo.

“Aniga iyo shacabka reer Somaliland waxay ka midaysan yihiin in arrinta Laascaanood xabbadda la joojiyo, nabadna lagu dhammeeyo, mar walbana taas baannu u taagannahay, dawladda Somaliland iyo ciidankeeduna weerar lasoo weerarayo inay iska difaacaan mooyaane, marnaba dagaalkaas may gelin, diyaarna uma aha inay dad islaam ah oo Somaliland oo dadkoodii ah ay weeraraan” ayuu yidhi , Madaxweynuhu, isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaas raaciyey;

“Maaddaama dadka reer Somaliland nabad u diyaar  yihiin, anna aan odayga ugu ahay nabaddii diyaar baannu u nahaye ciddii dhinaca kale ah caawa nabadda xidhi karaysa ee xabbadda dhankooda joojin karaysa anagu xabbad ma wadnee diyaar baannu u nahay”

Madaxweyne Muuse Biixi isaga oo farta ku fiiqaya Siyaasiyan waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin Somaliland iyo Somalia waxaa uu yidhi;

“Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay isku hayaan xuduudaha labada dal iyo inay laba dawladood oo mar si walaaltinimo ah isugu yimi ahaayeen, dawladdiina ka duntay oo qayb waliba iskeed wax u dhisatay, Dastuurkeennu isku mid aha, 33-sannaynu kala  maqnayn, markaa dadka reer Somaliland xadka dhawr iyo kontonka dawladood ee Afrika ku dhisan yihiin uun bay Somaliland kamid tahay, waxa aynu kala tabanayno aynu walaaltinimo isugu sheegno.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com