Kulan Dhex-maray Guddiga Dhismaha Machadka Dawladaha Hoose Ee Somaliland LGI

Hargaysa (Hayaannews): Kal-fadhigii shanaad ee xubnaha guddiga iyo daneeyeyaasha dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland ee loo soo gaabiyo LGI ayaa ka qabsoomay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd mid lagu gorfaynayay sidii machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose u yeelan lahaa xarun u gaara iyo sidii dhaqaalihii lagu dhaqaajin lahaa loo diyarin lahaa.

Waxaana kulankaasi lagaga tashanayay hirgelinta machadka iyo dhsimihiisa iyo hawl socodsiintiisa shaqo ee mustaqbalka. Iyadoo dhulkii laga dhisi lahaa machadkaasi na ay bixisay wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa hirgelinta dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland gacan ka gaysanaysa haayadda UNDP, kaasoo ay taageerro dhaqaale ku bixinayso.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay maayarradda magaalooyinka Hargaysa, Berbera, Gabiley, Boorama, Oodweyne, Caynaba, Saylac iyo Sheekh, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somalialnd, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, xubno ka socday haayadaha qaramadda midoobay gaar ahaana UNDP iyo daneeyeyaasha machadka shaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland.

Iid Muuse Muxumed, agaasimaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay meel fiican marayso hawsha hirgelinta dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose.

“Waxaa si wanaagsan noogu soo dhamaaday kulankii lagaga hadlayay dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose. Waxaan filayaa in ay meel wanaagsan oo midho-dhal ah ay marayso dhimsha machadka shaqaalaha dawladaha hoose.

Kaasoo wax badan ka bedeli doona tayadda shaqaalaha dawladaha hoose iyo kobcinta awoodda adeeg bixinta shaqaalaha dawladaha hoose” ayuu yidhi Iid Muuse Muxumed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), waxaanu soo dhaweeyay qorshaha ah sidii machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose u yeelan lahaa dhisme u gaar ah.

Waxaanu yidhi, “Dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose oo inoo hir galaa, waa tallaabo horumar ah. Haddii la idin arko idinkoo fur-furan oo si fiican u bilaabay, hadhowto dawladda dhexe iyo haayadaha caalamiga ah, way iska imanaysaa in qolo waliba wax kaga qayb qaadato”.

“Sidaas darteed, anigoo idiinka ga mahad naqaya sida niyad wanaag ah ee aad u muujiseen in aad raali ka wada tihiin, dhismaha machadka dawladaha hoose.

Waxaynu samayn karnaa xataa haddii aynu culays dareenno, ganacsatadda in aan odhan karno in degmo walba looga yeedho shan nin oo ganacsato ah, oo iyagu na ka qayb qaata dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose” ayuu yidhi Cabdi-gurey.

Maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, oo isna gebabadii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan in lagu guulaysto dhismaha machadkaasi.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Anagu na waanu ku faraxsan nahay in aanu door fiican ka qaadano, si loogu guulaysto dhismaha machad qurux badan, oo aynu rejaynayno inuu tayadda dawladaha hoose ee dalka wax badan ka bedeli doono. Ama ku soo kordhin doono, haddii ay tahay adeegyadda iyo hogaaminta dawladaha hoose ba”.

Geesta kale C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), maayarka caasimadda Hargaysa ayaa isna soo dhaweeyay in la isla qaatay sidii loo hirgelin lahaa dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland.

C/raxmaan Soltelco, ayaa u mahad celiyay wasaaradda hawlaha guud oo bixisay dhulkii laga dhisi lahaa machadka iyo sidoo kale haayadda UNDP oo gacan ka gaysanaysa hirgelinta dhismaha machadkaasi.

Waxaanu yidhi, “Halkan waxaa noogu soo dhamaaday kulankii lagaga go’aan gaadhayay dhismaha machadka shaqaalaha dawladaha hoose, oo la samayn doono in la dhiso. Lagu na tababarro shaqaalaha dawladaha hoose.

Taasoo degmooyinka dalkoo dhan loo qaybiyay, iyadoo ay shaqaalahoodu na iman doonaan.Waxaan halkan uga mahad naqayaa wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland oo bixisay dhulkii laga dhisi lahaa machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka.

Waxa kaloo aan u mahad naqayaa haayadda UNDP oo sii waday. Dawladaha hoose na waxay maanta qaybsadeen dhsimihii. Iyadoo kharash wixii ku baxayayna loo saaray”.

Agaasime Iid Muuse Muxumed

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com