Xildhibaan Tallooyin U Soo Jeediyay Wasaarada Ciyaaraha Somaliland

Hargeysa (Hayaannews) Xildhibaan Wali Axmed Aadan (Wali Xaawo) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay Ciyaaraha Gobalada Somaliland ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium.

Wali Axmed Aadan ayaa waxa uu sheegay in tartanka ciyaaraha gobaladda Somaliland ay keenayaan is dhex-galka bulshada, waxaana uu soo jeediyay guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo ciyaartoyga ka qayb qaadanaya tartanka ba, in qabyaalada laga daayo ciyaaraha.

Wali Axmed Aadan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciyaaraha Gobalada xaaxiibtinimada ayay soo dhaweeyaan, is dhexgalka bulshada ayay keenaan, ciyaaruhu, markaa qabyaalada ha laga daayo ciyaaraha gobaladda.

Waxa weeye haddii maanta lagaa badiyo brri ayaad badinaysaa, haddii Sannadkan lagaa badiyo, Sannadka dambe ayaad badinaysaa. Ciyaaruhu waa dhaqan wanaagsan ee koobkan la qaadayo yaan la eegin”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay wasaarada dhalinyarada ciyaaraha in looga baahanyahay in uu sugnaado anshaxmarinta Ciyaartoyga. waxaana uu yidhi “Wasaarada Ciyaaraha iyo guddida anshaxa iyo Garsooraha waa in waxoogu sugnaadaan oo laga Ilaaliyo noqnoqashada, Ciyaartu ma sii soconayso haddii Ciyaartoyga lagu qaldamaa uu caddaalad waayo, waa in aan looga naxariisan Ciyaartoyga qaladka ay galaan”.

Xildhibaan Weli Axmed Xaawa

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com