Hargeysa(Hayaannews): Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ogaal Marwo Rooda Cabdi Muuse ayaa ka hadashay iscasilaada labadii gudoomiye ee ururada Siyaasada, Shacabka iyo Waaberi, Dr.Xogla Toosiye iyo Ataash, iyada oo sheegtay in aaney wax saameyna ku yeelanayn Doorashooyinka Somaliland .
Warsaxaafadeed ay soo saartey maanta Gudoomiyaha Siyaasadeedka Ogaal Marwo Rooda Cabdi ayey ku iftiimiysay barnaamijkeeda siyaasadeed iyo doorka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee ku wajahan Doorashooyinka iyo dareenka Shacabka Hargeysa. Iyada oo carabka ku dhufatey iney qabsoomi doonaan Doorashada ururada Siyaasada Somaliland.
Warsaxaafadeedka oo faahfaahsan ayaa u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha qaranka way ka go, antahay in doorasho la qabto xaalad iyo xaalad la, aan ba hadii 1 tuulo doorasho ka dhacayso iyo hadii 5 uruur soo hadhayaan ba,”.Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ogaal Marwo Rooda Cabdi Muuse.
Ururka ogaal wuxuu la hadli doonaa saxaafada
“Wuxuu bulshada u iftiimindoonaa siyasada uruurada iyo doorka madaxwaynaha iyo doorashooyinka dhow iyo dareenka shacabka ee maanta .
1) In dorashada ururadu in ay dhacayso.
2) In aan laba urur oo ka mid ah 13 ka urur siyaasadeed doorashada ururada ee xisbi u guurku ah uga baaqsanayn.
3) In labada uruur ee hadhay marka hore rajo badan ka qabin guushooda oo ay hal degmo ku tartamayeen halkaa uruurada kale dhamaan ka tageero badnayeen.
3) in marka hore ba hanka rabitaanka uruur loo sameeyay oo aanay hogaaminta umadan iyo samatabixinta dadkan aanay ka soo go,in iyaga
4) in ay xaq u leeyihiin ka. Hadhka dorashooyinka ururada qaar kalena ka hadhi doonaan
Halka qaar kalena isku biiri doonaan.
5) uruurada hadhay madama ay matalaad ka haysteen dadkooda dhaqalahana gudoomiyuhu kali ku ahaa in aan dadka lagu qaldin karin qof aan Markii hore diyaarsanayn .
6) markasta oo uruuradu kala hadhaan yaraadaan waxaa noo soo hadhaaya tageero bulsho iyo tartan ka qurux badan kan muuqday ee 13 ka uruur siyasadeed.
7) hadii xalada laascano degi waydo cudur daar uma noqonayso doorasho uruuo iyo madaxwayne in ay qabsoomi wayaan waayo shalayba inta oog u shishayso ayay doorasho ka dhici jirtay. Mid xisbi iyow mid madaxwayneba
Ugu danbayn bulshada reer s/land iyo taageerayaasha uruurada waxaan u sheegayaa in aan laga marin haabinin tashiishna lagi furin, isbadalkii siyaasada ee dalku sugaayay in ay sidii aynu sugaynay u dhacayso
Madaxweynaha qaranka way ka go, antahay in doorasho la qabto xaalad iyo xaalad la, aan ba hadii 1 tuulo doorasho ka dhacayso iyo hadii 5 uruur soo hadhayaan ba .
Rag waawayn baa dadka been u sheega kama daalan beenta joogtaa ah iyo marin habaabinta shacabka .laakiin aniga oo u tudhaaya magacayga iyo maan kaygaba intaa aan idinla wadaagay way dhacaysaa hortiina ayaynu imanaysaa , dalkuna isbadal cusub oo siyaasi ah ayuu u guurayaa malin dhow. Oo sidii aynu rabnay ah. Una diyaar garooba”
Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.
#Hayaannews, Office
EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com