Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo Wefti Uu hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Qaaradda Yurub.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews): Wefti uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa galabta safar shaqo ugu baxay qaaradda Yurub.

Safarkan oo ayaa u-jeedadiisu tahay kor-u-qaadista qadiyada Somaliland, kulamo caalami, bandhigida fursadaha maalgashi ee kajira Somaliland.

“Aniga iyo wefti balaadhan oo aan hogaaminayo ayaa u ambabaxay Qaarada Europe.

Safarkan ayaa ujeedadiisu tahay kor u qaadista qadiyada Somaliland, kulamo caalami, bandhigida fursadaha maalgashi ee kajira Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka caalami ee Jamhuuriyadda Somaliland.”.Ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed ismaaciil (Saylici) oo galabta qoraalkan soo saaray.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici-Hayaannews