Ha Qubin Raashinkaga Adoo qof Afurin Karaya

Hargaysa (Hayaannews) Waxa aynu ku guda jirnaa bisha barakaysan ee Ramadaan, soonku waa mid ka mid ah tiirarka Islaamka ee mideeyay bulshada, marka laga reebo cibaadada iyo waajibka ALLE ee la gudanayo, soonku waxa uu leeyahay dereen mideeya bulshada oo ka dhaxeeya, kaasi oo ah mid ay ka siman yihiin fiqiir iyo taajir, madax iyo mijo, shaqeeye iyo loo shaqeeye, taliye iyo loo taliye, hogaamiye iyo la hogaamiye waana qodob mideeyay ummaada Islaamka oo ah soon, si loo wada dareemo baahiyahaagii oo ALLAH dartiis looga tagay.

Haddaba waxa ku waajib ah bulshada reer Somaliland in la is ogaado oo uu guriba guriga ku xiga ka war hayo in laga afuray iyo in aan daba laga shidan, lagana gudbo dhaqanka naxariis darada ah ee aad ku arkayso wadooyinka xaafadaha dhexdeeda raashin dhamays tiran ama in yara laga taab taabtay oo bisil laguna soo qubay dayrarka guryaha hortooda.

Marka koowaad raashinka aad qubtay ILLAAHAY aakhiro wuu ku waydiinayaa, marka labaad maad waayin qof jaarkaaga ah oo baahan oo aad afuriso, marka sadexaad hadday kaa lunsan tahay qiyaasta qosykaagu cuntada bisil uga baahan yahay, kana bakhaylayso in aad dadka siiyo si aanad danbi u galin yaree raashinka aad karinayso.

Waxa agtaada ku gaajaysan qoysas iyo qofaf aan haysan waxay ku afuraan, haddii aynu isku naxariisan wayno kuna socono dariiqan ceeshku wadooyinka wadhan yahay sow maynaan noqon.

Habartii dusheediyo

Degalkay ku noolayd

Daruuruhu ku hooreen

Dadba wada hel moodoo

Daad wararac bay tidhi.

Adoo soomanaa laba danbi ha galin, kow jaarkaaga oo gaajaysan inaad dharagto, laba ceesh bisil oo aad cid siin karayso oo aad bannaanka ku daadiso, haddii ay naxariistu inaga guurto oo aynu isku damqan wayno waa nooc ka mid ah dunuubta waawayn.

 

Gebo’gabadii raashinka aad qubayso qof baahan sii, qoys baahan sii, hana u quudhi cuntada wadada adoo walaalkaa ku quudin kara.

Wargeyska Dawan