Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Saxeexey Dhaqangalka 8 Sharci Oo Ay Xalaaleyeen Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia

Muqdisho(Hayaannew): Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixey Dhaqangalka 8 Sharci oo ay xalaaleyeen Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qalinka ku duugey saxiixa dhaqan galka 8 sharci oo ay  ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Somalia.

Kuwaas oo kala ah;

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

  1. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3 .Sharciga  Socdaalka,

  1. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
  2. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
  3. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
  4. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
  5. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadal uu ka jeediyey xafladii saxiixa sharciyadaas oo ka qabsoontey qasriga Madaxtooyada Somalia ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.