Maxaa Sababay Inuu Siyaasi Cabdi-HAYBE Iska Casilo Xisbiga WADDANI?

Hargeysa(#Hayaannews): Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, ayaa maanta shaaciyey inuu gebi ahaanba iska casilay Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI oo uu hogaankiisa sare ka tirsanaa.

Is-casilaada Cabdi Haybe Maxamed, ayaa ku sababeeyey, kadib markii Xisbiga WADDANI uu ka diiday Murashixii uu geeyey Xisbiga.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed ayaa waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta waa weyn ee reer Somaliland isaga oo Wasiir iyo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyey ee dalka soo maray.

Is-Casilaada  Cabdi-HAYBE Maxamed ayaa ku soo beegantay, kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka guddoomay saddexda Xisbi Qaran ee dalka ka dhisan shalay oo ay Bisha March ahayd 17/2021, Liiska Murrashaxiinta goleyaasha Deegaanka ee afar degmo doorasho ee Gobolka Maroodi-jeex ee Hargaysa ,Gabilay, Bali Gubadle , Iyo Salaxalay.

Is-Casilaada Siyaasi Cabdi-HAYBE Maxamed ayaa dadka Siyaasada odorosa aad u hadal hayaan iyo wakhtigan ay ku soo beegantay.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee WWW.Hayaannews.net Goor kasta Iyo goob kasta oo aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

#Hayaannews.net, Office

Hargeysa, Somaliland