Maxaabiistii Lagala Baxay Saldhiga Laas-caanood Oo Dil Lagu Xukumay .

Saaxdheer(Hayaannews): Degmada Saaxdheer ee gobolka Sool ayaa maxkamad islaami ahi dil ku xukuntay laba kamid ahaa lix eedaysane oo loo haystay dilka laba nin oo ka dhacay kalabaydh gobolka Sool.

Waxase cafiyay reerkii ay ka dhasheen raggii ay dilleen maaddaama ay gacan ku dhiiglayaashii oo ay kala soo bexeen saldhig boolis oo laascaanood ku yaalla ay hortooda keeneen.

Taas bedelkeeda waxa lagu xukumay midkiiba  boqol halaad.

Laba kamid ah afarta eedaysane ee kale ayaa markii la xaqiijiyay in laba ka mid ahi aanay hub sidan markii dilku dhacayay balse ay la socdeen, lagu xukumay min shan halaad.

Halka labada kale oo qoryo sitay balse la xaqiijiyay in xabad ay rideen aanay dil geysan ayaa lagu xukumay min toban halaad..

~ Sadiiq Burmad.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com