Maraykanka oo shaaciyay inuu Soomaaliya ka caawinayo xakamaynta ilaha Dhaqaalaha Al-shabaab


USA(Hayaannews) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay diirada saarayso xaddidaada awooda Al-Shabaab inay fuliso weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Sidaa waxa lagu sheegay warbixin ka soo baxday howgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay wax ka qabashada khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab in ay u baahan tahay wada shaqeyn dhow oo dhexmarta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo carqaladeeyo ilaha ay dhaqaalaha ka helaan Al-shabaab.

“Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Soomaaliya sidii ay uga faa’iideysan lahayd nidaamka cunaqabateynta hubka iyo waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yidhi.

Dowladda Maraykanka waxay ka codsatay dowladaha Xubnaha dowladda federalka inay taageeraan tallaabooyinka lagu xakamaynayo ilaha Al-shabaab ka helaan dhaqaalaha.

War-bixintan ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka hor markii hay’ad cilmi baadhiseed ay shaacisay in dhaqaalaha Al-shabaab ka soo gala cashuuraha uu ka badan yahay midka dowladda u soo xarooda

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com