Maxay ku Heshiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya?

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Iyo-dhaxal-sugaha-Boroqtooyada-sacuudiga-Amiir-Maxamed-Bin-Salmaan-Bin-Cabdicasiis-Al-Sacuud

Qoddobada Heshiis Dhexmaray Soomaaliya Iyo Sucuudiga

Muqdisho,(Hayaannews); Dawladaha Soomaaliya iyo Sucuudi Arabiya ayaa kala heshiis kala saxeexday heshiis ka kooban dhow qoddob.

War-murityeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Axad ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud iyo dhaxal sugaha boroqtooyada sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis Al Sacuud ayaa lagaga hadlay xidhiidhka labada dal, dhinacyada dhaqaalaha, amniga, hurumarka labada dhinac, iyo heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhowaan dhex maray dowladda Ethiopia iyo Somaliland.

Labada masuul oo ku kulmay qasriga Safa ee magaalada barakaysan ee Makka ayaa yeeshay kulan wada-tashi ah oo rasmi ah, kaasoo ay dib u eegis ugu sameeynayeen xidhiidhka labada dal, qaababka loo horumarin karo, iyadoo ay labada dhinac is dhaafsadeen aragtiyo la xiriira xaaladda guud ee gobolka iyo tan caalamiga ah ee xilligan.

Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinaca waxay ku nuux nuuxsadeen arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii wadida shaqada wadajirka ah ee ka dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah si loo horumariyo oo loo balaariyao iswaydaarsiga ganacsiga, iyo xoojinta booqashooyinka u dhexeeya masuuliyiinta iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, kaasoo loo aanaynayo kobaca ganacsiga ee 2022-kii ilaa (105%) marka la barbar dhigo 2021-kii, iyagoo tilmaamaya fursadaha ay keentay aragtida Kingdom Vision 2030 si loo kobciyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kadib marti-qaad uu fidiyey Boqorka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis.

Labada dowladood oo yeeshay wada-hadalo ku saabsan iskaashiga labo-geesoodka ah ee labada dal ayaa laga soo saaray War-Murtiyeedkan, kaas oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

  1. Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga;

Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay adkeeyeen kobcinta isdhaafsiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan Beeraha, Xoolaha, Khayraadka Badda, Dekadaha iyo isu-socodka, iyagoo bogaadiyey kororka ku yimid isdhaafsiga ganacsiga Labada dal oo sannadkii 2022-kii oo ka batay 105% inta uu joogay sannadkii 2021-kii.

  1. Difaaca iyo Amniga;

Dowladda Boqortooyada Sucuudigu waxay muujisay in ay garab taagan tahay howlgallada dowladda Soomaaliya ay dalka kaga xoreynayso argagixisada, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada kaas oo ay ka soo hooyeen guulo la taaban karo, sidoo kale Sucuudigu waxay soo dhaweeyeen qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, kaas oo fududaynaya dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed.

  1. Madaxbannaanida Soomaaliya;

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay cadeysay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

  1. Tamarta, Shidaalka iyo Isbeddelka Cimilada;

Labada Dowladood waxay isla qaateen in  ay ka yeeshaan iskaashi dhow, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku ammaanatay Boqortooyada Sucuudiga doorka hoggaamineed ee ay ka qaadanayso isu-dheelli-tirka suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo hiigsiyada ku aaddan Bariga Dhexe oo cagaar ah, kaas oo lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.

  1. Boqortooyada Sucuudigu waxay bogaadiyeen horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan deyn cafinta oo ku timid hufnaanta maaliyadeed iyo dib u habayn dhaqaale oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen Boqortooyadu muhiimadda cafinta deynta oo horseedaysa in lagu kalsoonaado, lalana falgalo hay’adaha maaliyadda Soomaaliya.
  2. Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha tamarta iyo korontada, dalagyada iyo dawada beeraha, duulimaadyada tooska ah, isgaarsiinta iyo tiknaloojiyada, waxbarashada, ciyaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada.
Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Iyo-dhaxal-sugaha-Boroqtooyada-sacuudiga-Amiir-Maxamed-Bin-Salmaan-Bin-Cabdicasiis-Al-Sacuud

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya

Email: hayaannewsonline@gmail.com