SOMALILAND: Laga Hirgeliyay Xarunta Ugu Weyn Barriga Afrika Ee La Dagaalanka AYAXA Iyo Munaasibadii Xadhig Ka Jarida.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),

Hargaysa (Hayaannews): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xadhiga ka jaray xarunta ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa, iyo Cayayaanka, oo laga hirgeliyay duleedka magaaladda Hargaysa.

Xaruntan oo ah mida ugu weyn Bariga Afrika ee dhinaca la dagaalanka Ayaxa, waxaa hir-gelisay haayadda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FAO.

Goobta ay xaruntani ku taallo ayaa ah halkii hore loo odhan jiray xarunta Ayaxa, halkaasoo ay haayadda FAO ka hirgelisay dhismeyaal casri ah oo kala duwan, oo loogu tallo galay in lagaga shaqeeya hawlaha la dagaalanka Ayaxa. Taasoo xiliyadii ka horeeyay bur-burkii ay ahaan jirtay xarunta ugu weyn Barriga Afrika ee la dagaalanka Ayaxa.

Inkastoo ay xaruntaasi hore ku bur-burtay dagaaladii dib u xoraynta dalka. Xaruntaasi la dagaalanka Ayaxa, iyo Cayayaanka ayaa haayadda FAO ay isla shalay ba ku wareejisay wasaaradda Beeraha JSL, maadaama ay iyadu qaranka uga masuul tahay arrimahaasi.

Xadhig ka jarista xarunta la dagaalanka Ayaxa, waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,xubno ka mida golaha wasiirrada JSL, oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Beeraha, wasiirka Qorshaynta, wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta, agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland, xildhibaanno, masuuliyiin iyo saraakiil ka socday haayadda caalamiga ah ee FAO.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo dhismamaha xaruntaasi xadhiga ka jaraya ayaa u mahad celiyay dhamaan ba haayadaha qaadhaan bixiyeyaasha ah ee ka qayb qaatay hirgelinta xaruntaasi.

“Waxaan u mahad celinaynaa dhamaan ba cidii gacan ka gaysatay dhismaha xaruntani, oo ay ugu horayso haayadda FAO, iyo qaadhaan bixiyeyaasha kale ee dhaqaalaha ku bixiyay. Waxa kaloo aan u mahad celinayaa wasiirka wasaaradda Beeraha, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaasi.

Xukuumadda Somaliland waxay diyaar u tahay in ay la wareegto xaruntani, oo kol ba intii itaalkayaga dhaqaale noqdo, in aanu la wareegno. Haayadaha na waxaan ka codsanaynaa in aanay wasaaradda Beeraha hawsha kaga dhaqaaqin, ee ay weli gacmaha noogu sii hayaan, sidii ay noogu sii hayeen. Gaar ahaan FAO” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Dhinaca kale,  xaruntan la dagaalanka Ayaxa, ayaa la filayaa in ay wax ka qaban doonto la dagaalanka, iyo xakamaynta Ayaxa, oo sanadihii ina dhaafay si weyn u aafeeyay dalagyadda, iyo wax-soo-saarka beeraha Somaliland. Maadaama aanay weli dhamaan cabsida laga qabo inuu mar kale Ayax ka dilaaco xeebaha Somalilan, isla markaana la saadaalinayay in roobabkii dhawaan ka da’ay xeebaha Somaliland inuu Ayax ka dilaaco.

Sida uu sheegay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland Prof. Aadan, ayaa ka waramay taariikhda xarunta xakamaynta Ayaxa, iyo marxaladihii uu soo maray hirgelinta dhismahaasi. “Halkani waxay ahaan jirtay, goobta laga maamulo Bariga Afrika oo dhan, ee la dagaalanka Ayaxa. Waxaana la dhisay ilaa 1950-naadkii. Roobabkii u danbeeyay, ee dhawaan ka da’ay xeebaha, oo laga cabsi qabay inuu ka dilaaco Ayax, wax ba kama dilaacin, oo ma jirta hadda wax cabsi ah oo laga qabaa. Waxaanay wasaaradu diyaar u tahay in haddii wax uun la arko Ayax, in ay ku dhaqaaqdo oo ay wax ka qabato”.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa faah-faahin ka bixiyay xaruntan la dagaalanka Ayaxa, iyo marxaladihii ay soo martay. Wasiirka ayaa u mahad celiyay haayadda FAO oo iyadu bixisay dhaqaalaha lagu dhisay xaruntaasi.

Waxaanu sheegay in dhismahaasi uu ka kooban yahay qaybo kala duwan, waxaanu yidhi “Dhismahani wuxuu ka kooban yahay Hoolkan weyn ee aan fadhino, qaybtii shaqaalaha cuntadda loogu diyaarinayay, saddex guri oo guest houses ah, oo la seexan doono. Masaajid qaybtii Ragga, iyo qaybtii Dumarka ba leh, xafiisyadii lagu shaqaynayay, Suuliyo ama Musqullo, Shay-baadkii (Lab), Qaboojiyihii. Meeshii Foostooyinka  lagu bur-burinayay, Mishiinadii Laydhka, ama Korontadda, meeshii lagu kaydinayay Foostooyinka Sunta Ayaxa, iyo halkii ay ilaaladu fadhiisanayeen”.

Dhinaca kale wasiirka Beeraha Somaliland ayaa ugu baaqay haayadaha caalamiga ah in ay ka gacan siiyaan sidii ay u soo kiraysan lahaayeen khubarro caalami ah oo ka caawiya horumarinta beeraha. “Waxaan doonayaa in aan halkan baaq uga dirro, haayadaha caalamiga ah oo ay ku jirto FAO, in ay balaadhiyaan, oo ay ku darraan… oo ay naga caawiyaan xagga beeraha, iyo xagga in ay naga caawiyaan in aanu soo kiraysano khubarro caalami ah, iyo kuwo maxali ah, oo naga caawiya in ay isku xidh u sameeyaan wasaaradda Beeraha Somaliland, iyo haayadaha caalamiga ah” ayuu yidhi wasiirku.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com