Safiirkii Soomaaliya Ee Dalka Sacuudi Arabiya Saalim Macow Oo Is-Casilay Iyo Dareenada Ku Xeeran.

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Saudi Arabia Saalim Macow Oo Is-Casilay-Hayaannews.j

Jeddah(Hayaannews): Safiirkii Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji ayaa is-casilay maanta, sida waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews

Safiirka ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay in laga reebay ka qaybgalka shirka 32-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah 19-kii May, taasi oo safiirku sheegay inay baalmarsan tahay curfiga diblomaasiyadeed.

Safiirka ayaa sidoo kale ku sheegay warqaddiisa in laga ilaaliyey inuu si gaar ah u arko madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo uusan Safiirku si gaar ah u magacaabin cidda u diiday shirka

Jaamacadda carabta iyo inuu si gaar ah u arko madaxweynaha, haddana qoraalkiisa waxa ku xusan eedeymo uu u jeediyey xafiiska borotokoolka Madexweynaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaan makriiba ka jawaabin is-casilaadda safiirka iyo eedaha kasoo yeeray.

Ilaha diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in shirka Jeddah uu ahaa mid ay Jaamacadda Carabtu agaasintay, taasina darteedna uu shirka kala qaybgalay safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta.

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Saudi Arabia Saalim Macow Oo Is-Casilay-Hayaannews.j