“Sidaa Madaxtooyada Loo Rarayo Ayaa Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidana Loo Raraya,” Wasiir Qambi


Hargeysa(Hayaannews) Wasiirka Hawlaha guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay in khilaafka ka taaggan dhulka Madaxtooyada cusub loo qorsheeyay aad iyo aad loo qabyaaladeeyay si weyna loogu duray xukuumadda. Qoyska ku doodaya dhulkaas ayuu ku eedeeyay in ay eedo culus ugu jeediyeen madaxweynaha.

Wasiirka oo lagu waraystay barmaamijka Hal Adayg ee Horn Cable ayaa sheegay in dad ka soo kala jeeda gobollada Somaliland oo dhan leeyihiin dhulka la dayray“Waxaan horta idinla socodsiinaya dhulka madaxtooyada laga dhigayo ee la dayray lixda gobo lee Somaliland cid aan dhul ku lahayni ma jirin; dad reer Ceerigaabo ah baa dhulkaa wax ku lahaa, dad reer Sool ah baa wax ku lahaa, dad reer Boorama ah ayaa wax ku lahaa, dad reer Hargeysa ah ayaa wax ku lahaa, reer Saaxil baa ku lahaa cid aan ku lahayni ma jirto,” ayuu yidhi wasiir Qambi oo intaasi raaciyay in ay dad gaadhaya 35 qof ka hayaan faylashada lahaanshaha dhulkaasi ilaa dhawr iyo toban kalena aanay wali soo dhammaystirin.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Nasiib darro waxa ah in dawladda ilaa Madaxweynaha aflagaado badan badan badan baa ka dhacda, qolo kaliya doodaysay intaas oo dad ah ee aan sheegay ee lixda gobol ahi cid barmaamijkii aanu u samaynay soo dhaaftay ma jirto, imikana waad og tahay oo dadweyne Maroodijeex kaliya ah oo waliba magaalada qayb ka ah ayaa aflagaado badan, dhibaato badan ka yeedhiyay. Dadka kale ee lixda gobol ah cid aan noo iman ma jirto laakiin, markii aanu u sheegnay in ay deganaan dawladdooda ku sugan bay go’aan ku gaadheen. Qolada hadlaysa duqaydooda waanu is aragnay waxaanu ku nidhi dadka kama duwanidin oo barmaamij baanu idiin wadnaa ee ha ka hor imanina laakiin, ma yeelin, is urursi kooban oo qoys ah baa laga dhigay in laga dhigana maaha. Waxay noqotay in meeshii reer kaliya qoys kaliya uuni leeyahay, dad badan oo toban ama labaatan ah ayaan ka magacaabi kara dadka go’aansaday in dhulkoodii loo bedelo laakiin, meeshii imika waxaa la gaadhsiiyay madaxweynaha xooggaya,”

Waxa kale oo uu sheegay in xarumaha Baarlamaanka la rarayo“Maaha Madaxtooyada oo kaliya ee imika baarlamaanka waa la raraya; Golaha Wakiillada xaruntooda waa la raraya oo qorshaha ayay noogu jirta, Golaha Guurtida waa la raraya. Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada midna waxa laga dhigaya magaalada dhinaceeda Bari midna waxa laga dhigaya dhinaceeda Koonfureed, labadaba waa la raraya dhulkiina waa loo qorshaynaya ay degi lahaayeen labada goleba oo halkan ma ahaanayaan waayo meeshii waxay noqoto meel cidhiidhi ah,” ayuu yidhi wasiirka hawlaha guud

Wasiirka waxa la waydiiyay in ay jiraan eedo culus oo ah in madaxweynuhu xaafaddiisii u rarayo madaxtooyada sidaas awgeedna la is waydiinayo sababta dhinacaasi loogu dooray waxaanu ku jawaabay “Madaxweynuhu ma doorin kaligiina ma ahayn waa la weheliyay, wasaaradda hawlaha guud ayaa wehelisay, Maayarka weheliyay , guddida nashqadaynta magaalada ayaa weheliyay oo ka qayb qaatay, wax madaxweynuhu isaga uuni meel gaar ah u gooyay ma jiraan.”