SOMALILAND: Dallada Cusub Ee Midowga Ururada Naafada Ee U-DIID Oo Shir Qabtay Iyo Qodobada Lagaga Wada Hadlay

“Dalladii SNDF waa la af-duubay, Sidaasi daradeed Dallad la yidhaahdo ‘U-DIID’ naafada takoorka, ayaanu sameynay….”Abwaan WABAX.

Hargeysa(Hayaannews): Dalladda Midowga Ururada Naafada ee U-DIID ayaa qabatay Shir lagu lafo-gurayay, isla markaana dib-u-eegis lagu sameynayay qabyo qoraalka Dastuurka Dalladaasi ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay ka soo qebgaleen qaar ka mida Ururada naafada Somaliland ee ku bahoobay Dallada Midowga Ururada Naafada ee U-DIID iyo marti Sharaf kale oo tirro baddan.

“Dalladii SNDF waa la afduubay, Sidaasi daradeed Dallad la yidhaahdo ‘U-DIID’ naafada takoorka, ayaynu sameynaynaa waxay noqonaysaa dalladii ina anfacda,Dastuurkan halkan lagu akhriyaayo qof waliba hadduu yahay ka Dhagaha ka naafa, ka Indhaha ka naafo ah, ka jidhka ka naafo ah figradiina ayaad ka dhiibanaysaan” Ayuu yidhi Abwaan WABAX.

Ugu Danbeyntiina waxa guddi loo saaray Qabyo qoraalka Dasduurka ay yeelan doonto Dallada Cusub ee U-DIID, waxaanay guddidaasi soo sameyn doonaan Dastuurka cusub ee ay yeelan doonto Dallada Midowga Naafada ee U-DIID.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com