SOMALILAND: Guddiga Anshaxa Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Qaladaad Ka Soo Baxay Hannaanka Ololaha Ee Xisbiyada

Hargeysa (Hayaannews)- Guddida Anshaxa iyo Xalinta Khilaafadka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaciyay qaladaad baal-marsan anshaxa ololaha oo ka soo baxay saddexdii maalmood ee u dambeeyey Ololaha Doorashooyinka.

Qoraal ay guddigu maanta soo saareen kuna socodsiiyeen saddexda Xisbiga Qaran, isla markaana lagu wargeliyey Maxkamadda Sare ee JSL, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa lagu sheegay in Xisbiyada iyo murashaxiintu aanay u hoggaansamin jadwalka loo asteeyey Ololaha doorashada. Sidoo kale, waxa ay Guddigu sheegeen in murashaxiinta iyo taageerayaashoodu ololaha ka sameeyeen goobo aanu loogu talo-galin sida cusbitaallada iyo Masaajiddada.

Qoraalka soo baxay Guddiga Anshaxa iyo Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Mudanayaal,

Sida aynu Ia socono waxa aynu ku guda jirnaa ololihii Doorashooyinka isku-sidkan ee Dalka ka qabsoomaysa 31/05/2021.

Saddexdii cisho ee u horeeyay, waxa ololaha inooga soo baxday Qodobbadan Hoos ku Qoran.

  • Waxa bilawdeen wakhti khaldan oo aad uga horeeya Jadwalkii Ioo asteeyay ololaha Doorashada Xisbiyada.
  • Waxa laga dul ololeeyey goobihii ka reebaanaa ololayaasha sida Dhakhaatiirka, Masaajiddada, Jeelasha IWM.

Sidaa awgeed waxa Ia idiin farayaa in aanay dib u dhicin, una sheegtaan taageerayaashiina in ay ilaaliyaan Anshaxa habsami u socodka Ololaha.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Guddida Anshaxa iyo Xalinta Khilaafadka Doorashooyinka Qaranka.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com