SOMALILAND: Madaxweyne Biixi oo Cusbitaallada magaalada Burco ku booqday Ciidammada qaranka Ee ku Dhaawacmay Dagaallada Gobolka SOOL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Saaka Soo Kormeeray Dhaawacyada Ciidamada Qaranka Ee Ku Sugan Cusbitaalka Ciidanka Qaranka iyo Cusbitaalka Guud ee Burco.
Burco-(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Burco iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, waxaanu u mahadnaqay dhammaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isagoo madaxwaynuhu ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday geesiyaashii ciidamada Qaranka ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala danbeeyey ee Laascaanood, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood, dawladduna u hurayso wax walba oo la xidhiidha daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, isla-markaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco.
Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa.