SOMALILAND: Shaqaalaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dawlada Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Tabbabarayo Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda

Hargeysa(Hayaannews): Xaflad lagu daah-furay tabbobarka dastuurka iyo waddaniyadda ee shaqaalaha Wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey daah-furka tabbobarkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Xidhiidhka Golayasha iy arrimaha Dastuurka, ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),Wasiirada Wasaaradaha Xidhiidha Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Cadaalada Saleebaan Warsame Guuleed,Guddoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Dawlada Khaalid Jaamac Qodax, Agaasimaha guud ee Wasaarada xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf,Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mirre Faarax Giire,

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daah-furay tabbobarka barashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddaniyadda ee shaqaalaha Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda oo maanta ka furay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-SAYLICI ayaa ku bogaadiyay Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland inay tabbobar u qabatay shaqaalaha wasaaradaha dawlada iyo hay’adaha dawlada oo ay ku tabbobarayso barashada Dastuurka iyo waddaniyada, waxaanu yidhi “Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadu waa waajib inna wada saraan……..Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurku iyada qaranka hoggaamisa, kol haddii Dastuurkii, barashadiisi iyo wacyi-gelintiisi ilaalintiisi iyo barashadii waddaniyada ay isku darsatay”Ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Sharcigu waxa uu ku sareyn karaa, in sharciga aynu leenahay ee ah Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shuruucda ka farcanta iyo waddaniyada oo ku dhex dheehan Dastuurka inay dadkeenu bartaan.”

Wasiir Maxamed Xaaji  Aadan Cilmi waxa uu ka sheekeeyay qaababkii kala du-duwanaa ee ay bulshada u gaadhsiiyeen barashada Dastuurka iyo waddaniyada, iyaga oo u marinayaa Idaacada, Baraha bulshada iyo mareegaha  casharada lagu baranayo arrimaha Dastuurka iyo waddaniyada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa ku dar-daarantay shaqaalaha Wasaaradaha dawlada iyo hay’adaha dawlada ee ka qeybgalaya tabbobarkan muddada uu socdo inay ka faa’iideystaan, waxaanay tidhi  “Maanta waxa fursad noo ah inay nala joogaan hawl-wadeenadii wasaaradaha oodhan. Diyaar ayaan idiin nahay muddada aad nala joogtaan inta itaal kayaga ah inaan idiin dhigno Dastuurka iyo Waddaniyada iyo shuruucda wixii laga gaadho, oo ay Wasaaradu idiin diyaarisay Garyaqaano iyo macalimiin ku takhasusay qeybta sharciga….idinkana waxa la idinka doonayaa muddadaa uu tabbobarku socdo inaad ka faa’iideysataan oo aad wakhtiga ilaalisaan”.

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha Dawlada Somaliland Khaalid Jaamac Qodax ayaa waxa uu yidhi “Waan bogaadinayaa in wasaaradda xidhiidhka gollayaasha iyo arrimaha dastuurku, ay u qabato shaqaalaha laamaha dawladda tobbobar ku saabsan barashada dastuurka JSL iyo waddaniyadda. In la barto Dastuurka iyo waddaniyada waxay aasaas u yihiin horumarka iyo hal-bowlaha uu qaranku ku dhisan yahay”.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mirre Faarax Giire oo halkaasi ka hadlay ayaa si isku mida uga waramay muhiimada uu leeyahay barashada Dastuurka iyo Waddaniyadu, isla markaana waxay Wasaarada xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka ku ammaaneen daah-furka barnaamijkan, isla markaana waxay shaqaalaha ka qeybgalaya tabbabarkan kula dar-daarmeen inay ka faa’iideystaan muddada uu socdo.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com