“Somaliland Wadahadallo Lama Gali Karto Soomaaliya….” Xoghayaha WADDANI Khadar Xuseen.

Xoghayaha Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay inaan la aqbali-karin in hadda madaxweyne Biixi, wada-hadal la yeesho dawladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku sababeeyey inay Somaliland la daala dhacayso dhibaatooyin gudaheeda sida qabashada doorashooyinka iyo xal-u-helidda arrinka Laas-caanood.

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi waxa uu sida ku sheegay qoraal uu maanta soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

“Somaliland wadahadallo macno sameeya lama gali karto Soomaaliya, sababtoo ah:

  1. Madaxweynaha wakhtigiisii wuu dhammaaday, cod shacabna kuma joogo hadda.
  2. Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin gudeed.

Qabashada doorashooyinka iyo xal-u-helidda arrinka Laascaanood ayaa Somaliland miiska u saaran hadda.”.

Xoghayaha Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi-Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com