SOMALILAND: Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhiga Ka Jaray 4 Xafiis Oo Wasaaradiisu Ku Yeelanayso Hay’adaha Dawladda

Hargeysa (Hayaannews):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xadhiga ka jaray afar xafiis oo cusub oo wasaaradda maaliyaddu ku yeelan doonto qaar ka mid ah wasaaradaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa xadhiga ka jaray afar xafiis oo wasaaraddiisu ku yeelan doonto Wasaaradaha; cadaaladda, hawlaha guud iyo guryaynta iyo baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo loogu talogalay ururinta dakhliga cashuuraha.

Wasiirka maaliyadda waxa wehelinayay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda, xisaabiyaha guud iyo mas’uuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland, waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay xisaabiyaha guud ee qaranka Axmed Daa’uud oo faahfaahin ka bixiyay xafiisyadan cusub ayaa sheegay in loogu talogalay in lagu fudaydiyo hawlaha cashuuraha berriga oo balaadhay iyo in lagu xereeyo dakhliga dawladda.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xafiisyada cusub ee Wasaaradda Maaliyaddu ka furanayso Baanka Dhexe ee Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay tahay iskaashiga kala dhexeeya Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in xafiisyada cusub ee ay wasaaraddiisu ku furanayso baanka dhexe ee somaliland ay suurto’gelisay wada shaqaynta kala dhexeysa Baanka dhexe, isaga oo u mahadceliyay mas’uuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland oo uu sheegay in si fiican ay ula shaqeeyeen.

Geesta kale, wasiirka horumarinta maaliyadda ayaa xadhiga ka jaray xafiisyo ay ku yeelanayaan wasaaradaha caddaaladd iyo hawlaha guud iyo guryaynta. Kuwaasi oo loogu talogalay ururinta cashuuraha berriga.

Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com